Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday  ciidamado gumaysi oo isugu jira Hawaarin iyo Fedaraal,kuwaas oo isku uruursaday deegaanka ISDABADAG oo dhaca duleedka degmada Dhagaxmadoow ee gobolka Jarar.

Weeraarkaas oo ay ciidamada ONLF si khibradaysan u fuliyeen 15 July 2015 ayay ku kala caydhiyeen ciidamadii gumaysiga iyo Hawaarintii oo halkaas iskugu soo uruursaday inay dhibaateeyaan shacabka deegaankas ku nool.

Warar hordhaca oo naga soo gaadhaya xarunta dhexe ee JWXO oo warkan soo tabisay ayaa sheegaya in ciidamada gumaysiga iyo hawaarintii  halkaas lagaga dilay 10 askari oo isugu jira Hawaarin iyo Federaal waxaana kamid ahaa Hawaarinta halkaasi ku bakhtiyay Shihalaqe KHADAR oo ahaa ninka gumaysiga u qaabilsanaa xasuuqa iyo gumaadka shacabka degmada DHAGAXMADOOW.

ONA/Ogadenya

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay