jaalaiyada S.Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika ayaa sii balaadhanaysa isla mar ahaantaana lasii baxaysa laamo hor leh taasoo uu ku tilmaamay wariyaha wakaaladda inay muujinaysa horumarka iyo hilinka geedi socodka halganku uu habaynba habaynka kadanbeeyay ka sii hinqanayo.

Hawldadenada ka hawlgala magaalada Hummers drop oo 83 km u jirta Xarunta jaalaiyada ee fadhigeedu yahay magaalada Uitenhage {yutenhayg} ayaa xaflad qado sharaf ah u qabatay Soomaalida ku nool magaaladaas. Xafladan oo dhacday maalintii jumcaha ahayd ee 2dii bisha September aya salaada kadib loo dareeray goobtii Xaflada.

Waxaa xaflada kasoo qayb galay xubno ka socda xarunta jaaliyada oo uu horkacayo hogaanka abaabulka iyo wacyigalinta JOKA mudane Xasan ayadoo isla goobtii uu ka dhacay kulan saacado qaatay oo dhexmaray hawladeenda deegaankaas iyo waftidii xarunta.

Waxaa kulankan si heersare ah u hogaminayay halgame Mawliid isagoo kusoo dhaweeyay sh Cabdi shakuun Gaashaan oo soo jediyay khudbad uu kaga hadlay dhawrsanaanta iyo Alle kabaqidu in ay tahay furaha guusha labada daarood. Ka dib waxaa warbixin dheer kasoo jeediyay kulanka oo meelo badan taabanayay hogaanka abaabulka iyo wacyigalinta asagoo carabka ku dhuftay xaalada nolaleed ee guud ahaan Geeska -Afrika gaar ahaan wadanka Ogaadeniya sidoo kale wuxuu masuulku ku dheeraaday ka warbixinta xaalada halganka Ogaadeeniya meesha uu marayo. Waxaa kaloo uu ka warbixiyay hab u socodka jaalidaya Soomalida Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika.
Waxaa intaa ka dib la isla lafa guray sidii loo dar-dar galin lahaa hawlaha halganka iyo horukaca jaaliyada iyo doorka jaaliyadda ay ka qaadanayso hawlaha halganka.

Xafladan ayaa kusoo aaday xili lafilayo in wadankan Koonfur Afrika siwayn looga xuso munaasabadiii sanad guurada 27 aad ee aas aaskii JWXO

SANAD GUURO WACAN HUMMERS DROP

ONA/Konfur Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay