Wararka naga soogaadhaya Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa sheegaya in dagaalo khasaare balaadhan gaystay ay ku dhexmareen Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya Gobolka Nogob.

Waxay dagaaladan ka dheceen tuulooyinka kala ah Adhiyo iyo Dameero-Afxidh oo labaduba ka tirsan degmada Garbo ee gobolka Nogob. Sida ay wararku nagu soogaadhayaan waxaa ciidanka Gumaysiga Itoobiya ooy ku weheliyaan Maleeshiyada Hawaarinta (Liyuu Booliis) kasoo gaadhay khasaare laxaad leh taasoo ay dhimashadu kor udhaaftay 12 askari meesha dhaawacoodu uu gaadhay 18 askari.

Dagaaladan ayaa waxay ka dheceen deegaankan intii udhaxaysay 15-16 Jul, 2015. Waxay intaas wararku ku darayaan in dagaalladan laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada huwanta ah ee Gumaysiga Itoobiya iyo Hawaarinta oo iskaashanaya ayaa dhibaatooyin ba’an ku haya shacabka Somalida Ogadenya.

Wadanka Ogadenya ayaa waxaa kasocda halgan hubaysan oo ladoonayo in lagaga xoreeyo Gumaysiga Itoobiya oo dhibaatooyin naxariis la’aan ah kuhaya shacabka Somalida Ogadenya.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay