Wararka ka imanaya ismaamulka Harar ayaa sheegaya in iska hor imaad ba,an uu ka dhex dhacay shacabka Ismaamulkaas iyo ciidamada milatariga gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Harar,isku dhacan oo ka bilowday kacdoon shacab oo lagu diidan yahay nidaamka iyo kalitalisnimada ururka EPRDF ayaa isu rogay shaqaaqo ay ciidamada milatarigu xoog adeegsadeen.

Ciidamada booliska ee ismaamulka Harar ayaa si adag uga soo hor jeestay gumaadka ay wadaan  ciidamada milatariga ee bariga Itoobiya oo saldhigoodu yahay magaaladaasi Harar,waxaana halkaas lagu laayey dad shacab ah oo kasoo hor jeeday arintaas,halka shan kamid ah booliska ismaamulkana xabsiga loo taxaabay.

Wixii faahfaahin ah ee kasoo cusboonaada kacdoonkaas shacabka kala soco ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay