Magaalada Seattle Wanshington oo siweyn looga dareemayo Shir Sanadeedka OYSU North America.

11709622 10207274314998772 8962916390203742071 n

Shirweynaha Ururka Dhalinyaradda iyo Ardayda Somalida Ogadenia ee Qaarada North America ayaa laga daramayaa Magalada Shirkaas lagu qabanayo ee Seattle Wanshington.

Shirsanadeedkan Ururka OYSU north America ayaa sanadkan nasiib u yeelatay in lagu qabto 25 – 07 – 2015 Magalada Seatlle Wanshington, Shirkan qaradeed ayaa waxa isku arki doono dhamaan ururka OYSU ee North America kuwaas oo ka kala imaanayo Gobalada USU iyo Gobalada Dalka Canada .

Hadaba Waxaa Maanta Magalada Seattle gaaray Wafdi uu hogaaminayo iskuxiraha OYSU ee Qarada North America Mudane Shaafi Shilaabo iyo Wafdi uu hogaaminayay waxaa kale oo halkaas garay wafdi ka kicitimay Magalada Mn.

isku soo wada duuboo shirkan ayaa wuxuu furmayaa 25 ka bishan haduu alla idmo waxana ka soo qayb galayo madax ka kala socoto Labada xisbi ee Dowlada Mareykan ka waxa kale oo shirkaasi ka soo qayb gali doono Madax ka socoto ONLF iyo Waliba Madax ka mid ah Gudiga Fulinta OYSU oo ay ka mid yihiin Afhayeenka OYSU Mudane Jabarti Baynax iyo Hogaanka Arimaha Dibada OYSU Mudane Abdiaziis Ali Abshir iyo Waliba Xoghaynaya OYSU Marwo Hamada Gurxan , Shirkan ayaa la filayaa in lagu lafa guri wixii sanadkii tagay u qabsoomay ururka OYSU North America kagana tashan doonaan waxqabadka u yaalo sanadkan in ay qabtaan OYSU North America ee aayaha mustaqbalka shacabka Somalida Ogadenia ee ku dulman Gudaha Dalka Ogadenia iyo waliba Wadamada kale ee Qaxotiga kuyihiin .

Isku so wada duuuboo waxa la sugaba waa shirweynaha OYSU North America oo la filayo in uu furmo 25 ka bishan haduu alla idmo .

Kala soco website ka ururka OYSU World Wide haduu alla idmo Shirkaas bilaawgiisa ila dhamaadkiisa .

OYSU World Wide

Read22 times
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay