Seattle, WA: Waxaa ka furmay magaalada Seattle ee gobolka Washington shirkii ururka OYSU ee qaarada Waqooyiga America. Shirkaasoo ay kasoo qaybgaleen wufuud ka kala socota gobolada sida Minnesota, California, Washington, Canada, iyo gobolo kale ayaa si rasmi ah u furmay isagoo agendihiisa maanta uu ahaa isbarashada iyo soo dhoweynta wufuuda kala duwan. se6

se1

Kadib isbarasho guud waxaaa laysla meel dhigay habka iyo qaabka uu u socondoono shirku mudada sedexda maalmood ah ee uu socondoono hadii Alle idmo. Waxaa shirka isugu yimid dhalinyaro aad u abaabulan oo run ahaantii muujiyey sidey diyaar ugu yihiin howlaha shirka iyo guud ahaan halganka shacbiga Somalida Ogaadeeniya. 

se2

Dhalinyarada OYSU ee shirku uga furmay Magaalada Seattle ayey  kamuuqatay shucuur iyo astaan halgan oo lagu diirsaday. Hadaba shirkan oo si rasmi ah uga furmay magaalada Seattle Washington lagana rajaynayo iney kasoo baxaan waxyaabo badan oo lagu taageerayo halganka gobanimo doonka ah eey kujiraan shacbiga Somalida Ogaadeniya.

se5

Lasoco qaybaha dambe ee shirka oo maqal iyo muuqaal ah Insha Allah.

Abdirahman Hollywood

Ileys TV

Seattle, WA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay