Wargayska afka Axmaariga ku baxa ee lagu magacaabo Minilik Salsaawi ayaa sheegay in magaalada Gaaraamulata oo katirsan Gobolka Hararge uu ka dhacay iska hor imaad dhiig kudaatay oo u dhexeeya Kaadirka ururka Oromada ee loo yaqaano OPDO iyo Ciidanka Sirdoonka TPLF.

Sida uu wargaysku sheegay iska hor imaadkan ayaa kadhashay kadib markay magaalada Gaaraamulata imaadeen Kooxda Kahortaga Argagixisada oo kamid ah Sirdoonka TPLF kadib markay maqleen ineey gobolka Hararge soogaadheen cutubyo katirsan Jabhada Gobanimodoonka Oromiya ee layidhaahdo OLF oo kasoo kicitimay gobolka Baali.

Sirdoonka Wayaanaha ayaa ku eedeeyay Kaadirka OPDO ee kudhaqan gobolka Hararge ineey deegaankaas kawadaan abaabul xoogan oo ladoonayo in dhalinyaro lagu abaabulo kuwaasoo kamid noqonaya ama ladoonayo ineey kubiiraan Jabhada OLF. Eedaynta Wayaanaha ayay Kaadirka OPDO gaashaanka kudhufteen iyagoo sheegay ineeysan marnaba taasi suuragal ahayn. Waxay wararku sheegayaan in iska hor imaad balaadhan uu arintan kadhashay taasoo keentay in sadex kamid ah dhalinyaradii magaalada ee gadooday ladilay kuwaasoo maydkooda ay qaateen ciidanka sirdoonka wayaanaha meelay geeyeene aan lagaranaynin balse loomalaynayo ineey xaga Addiss Ababa uqaateen.

Waxaa xusid mudan in ururka OPDO uu kamid yahay isbahaysiga magac uyaalka ah ee EPRDF kaasoo ay kubahoobeen dhawr urur oo kale sida TPLF balse aysan OPDO wax saamayn ah aysan ku lahayn isbahaysigan maqaar saarka ah.

Dhanka kale Jabhada OLF ayaa baryahan dagaalo culculus lagashay ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee kusugan Kililka Oromiya sida gobolka Baali. Dagaaladan oo aad loogu naafeeyay Ciidanka Gumaysiga ayaa aad usii kordhaya maalinba maalinta kadambaysa.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay