Wararka naga soogaadhaya caasimada Kililka Xabashida ee Bahirdaar ayaa sheegay in rabshado dhaawac badan gaystay ay ku dhexmareen Booliska Federalka Gumaysiga Itoobiya iyo Askar gadoodsan oo shaqadii laga caydhiyay kadib markay wayaanuhu ku meel gaadheen.

Wararku waxay tibaaxayaan in horin kamid ah ciidankii taliskii Mingiste ooy Wayaanuhu dib usoo shaqo galiyeen markale ciidanka laga caydhiyay. Askartan oo ka cabanaysa nolol xumida iyo dhibaatada ba’an ee noloshooda soo food saartay ayaa banaabax iskugu soobaxay kaniisada Goorgis ka layidhaahdo horteeda. Waxay wararku intaas raacinayaan in lagu dalbaday Booliska Federalka Gumaysiga Itoobiya si lookala eryo banaan baxayaasha halkaasoo ay ka dhalatay rabshado dhaawac badan gaystay.

Askartan ayaa taliska TPLF ka codsanaya mar hadii shaqadii laga caydhiyay in shaqo kale lasiiyo ama ay helaan xuquuqda looyaqaano xaangabnimada si ay noloshooda iskaga dabaraan. Waxaa codsigan askartan gadoodsan diidmo qayaxan kala hortagay dawlada Itoobiya.  Sidan oo kale ayay kacdoomo dhimasho iyo dhaawac badan gaystay ay ooga dheceen maalmihii lasoo dhaafay meelo badan oo Itoobiya kamid ah sida Gobolka Herarida iyo Oromiya oo labaduba ay rabshado ba’ani kadheceen.

Dhanka kale dadka indho indheeya siyaasada Itoobiya ayaa sheegaya in iska hor imaadkan ka dhacay Bahirdaar uu saamayn karo qaybaha kala gadisan ee shacabka sida dhalinyarada oo shaqo la’aan ba’an ay kuhabsatay, taliska Itoobiyana aysan waxba ka qabanin nolol xumida baahsan ee wadankoo Idil saamaysay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay