Wariyaha Wakaalada Wararka ee Ogadenya ayaa sheeay in dagaal culus oon waxba laysu reebanin uu kadhacay Madaxmaroodi oo dagmada Xamaro ee Gobolka Nogob katirsan. Dagaalkan ayaa wuxuu dhex maray Ciidanka Wadaniga Ogadenya iyo Askar Gumaysiga Itoobiya ooy ku weheliyaan maleeshiyada Hawaarinta.

Sida uu wariyaha ONA kusoo waramayo dagaalkan ayaa dhacay 17/7/2015, kasoo ciidanka Itoobiya khasaare laxaad leh oon faah faahintiisa lasoo koobi arin loogu gaystay. Isla taariikhdaas ayaa wuxuu dagaal culus uu kadhacay meesha lagu magacaabo Godaha oo degmada Dhuxun ka tirsan, halsoo askarta Itoobiya lagaga dilay sadex askari meesha afar kalana lagaga dhaawacay.

Dagaalada udhexeeya Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya iyo kuwa Gumaysiga Itoobiya ayaa bilihii lasoo dhaafay aad usii badanaya taasoo niyad jabisay ciidanka Itoobiya oo khasaare badan dagaaladan ka soogaadheen, meelihii la’isku fara saarayna lagaga awood batay.


ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay