Wararka Ogadenya naga soogaadhaya ayaa sheegaya in Degmada Gosolalay oo katirsan Gobolka Jarar ay ciidanka Gumaysiga Itoobiya ku dileen Allaha u naxariistee muwaadin magaciisa naloogu sheegay Ina Gamuute Xuseen oonan helin magaciisa koobaad.

Dhanka kale waxay wararku intaas raacinayaan in bishii barakaysnayd ee Ramadan dhexdeeda ciidanka gumaysiga Itoobiya ay ku dileen 23 muwaadin oo kamid ahaa maxaabiista sida sharci darrada ah loogu xidhay jeelka ciqaabta iyo cadaabka badan ee gumaysigu ka samaystay magaalada Jigjiga ee loo yaqaano Jeel Ogaden.

Sida ay wararku sheegayaan maxaabiistan ayaa intooda badan udhintay jidh dil iyo ciqaab loogaystay. Ma’aha markii koobaad ee Jeel Ogaden lagu gumaado maxaabiis aan markii horaba wax dambi ah ooy galeen aysan jirin. Waxaan helay magaca gabadh kamid ah maxaabiistii bishii Ramadan Jeelka lagu xasuuqay oo naloogu sheegay magaceeda Allaha unaxariistee Nimco Cawke Muxumad.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay