Ilo wareedyo gaar ah oo nooga soowarama Magaalada Jigjiga ayaa sheegay in 7 askari oo kamid ah ilaalada khaaska ah ee dhagar qabe Cabdi Ileey ay baxsadeen. Waxaa kale ooy wararkan intaas kudarayaan in qaar kaloo kamid ah Ilaalada Cabdi Iley jeelka lootaxaabay kadib markii looga shakiyay ineey iyaguna doonayaan ineey sidii saaxiibadood ay goostaan.

Dhanka kale waxaa gamgame lagu sameeyay dhamaan shaqaalihii hay’adaha kala duwan ee magaalada Jigjiga ka hawlgali jiray. Shaqaalahan oo si joogta ah dhibaatooyin kala gadisan loogu gaystay ayaa baadhitaano iyo cago juglayn badan lakulma. Waxaa shaqadii waayay qaar kamid ah shaqaalaha meesha kuwo kalana jeelka loo taxaabay sabab la’aan.

Maalmul kusheegya fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa caadaystay dhibaataynta bulshada rayadka ah ee guud ahaan kudhaqan wadanka Ogadenya. Shacabka Somalida Ogadenya ayaa kujira dhibaato joogta ah oon kala joogsi lahayn.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay