Warar dhiilo badan oo naga soo gaadhaya Ogadenya gaar ahaan xarunta Gobolka Doollo ee Wardheer ayaa sheegaya in dad shacab ah dhibaatooyin kala gadisan loogu gaystay magaalada dhexdeeda.

Warkan oon ka hellay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ayaa sheegaya in dad badan oo rayad ah ay ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee bahaloobay iyo maleeshiyada Hawaarinta oo iskaashanaya ay jidh dil iyo xadhig iskugu dareen shacab kamid ah bulshada Somalida Ogadenya ee magaalada Wardheer kudhaqan.

Warku wuxuu intaas raacinayaa ineey arintani dhacday 18/7/2015. Waxaa kaloon hellay magacyada shacabkii dhibaatadu soogaadhay kuwaasoo kala ahaa sidan soosocota:-
1 – Dhool Cabdi Aadan
2- Foosiya Dhicis Cabdi Bile
3- Faadumo Cali Cabdulaahi
4- Deeqa Dhuule
5- Cabdirashiid Sarhaye oo ushaqaynahay shirkada xawaalada KAAH. Ninkan ayaan la ogayn meel lageeyay iyo in uunoolyahay toona.

Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa shacabka Somalida Ogadenya dhibaatooyin baahsan kuhaya. Waxay wararku intaas raacinayaan in guud ahaan wadankoo idil ay dhibaatooyinkan saameeyeen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay