Seattle: Waxaa maanta magaalada Seattle ee gobolka Washington lagu soo gabagabeeyey shirweynihii 5aad ee OYSU ee qaaradda waqooyi Mareykanka. Shirkan ayaa wuxuu socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Shirka maanta ayaa waxaa lagu martiqaaday congressman Adam Smith oo matala 37th district ee King County. Mudanahan iyo waftigii lasocday ayaa si weyn loosoo dhoweyey, hadaba labada dhinac ayaa waxyaabo badan kawada hadlay isla markaana ka tashaday sidii ay isula shaqayn lahaayeen.
Waxaa kaloo iyana marti sharafta ka mid ahayd Nourah Younis oo ah shaqsi aad looga qadariyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Washington. Nourah waxay matashaa ururka 1 America oo runtii miisaan weyn kuleh siyaasada gobolka Washignton. Nourah ayaa macluumaad muhiim ah la wadaagtay xubnaha ururka OYSU.
Shirka maanta ayaa waxaa si rasmi ah loogu ansixiyey laguna qaatay shaqa qorsheedkii sannadka soo socda haddi alle idmo.
Qodobadii kasoo baxay shirweynahan ayaa waxaa si rasmi ah usoo gudbin doona guddiga fulinta ee OYSU.
Ugu dambeyn waxaa caawa Hall ka weyn ee Carco Theater lagu qaban doonaa munaasabaddii soo xidhitaanka shirka oo u faran dhamaan shacab weynaha.
C/raxmaan Hollywood
ONA/Seattke Washington
de
c
b
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay