Wararka naga soo gaadhaya galbeedka  Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo khasaare laxaad leh keenay uu kadhacay magaalada Bilal oo ka tirsan  gobolka walaga oo ku taala xuduuda Itobiya & Sudan. Dagaalkan ayaa wuxuu  u bilaabay shalay saacadu marka ay ahayd 6:45 subaxnimo.Dagaalkan ayaa waxa u dhexmaray  ururka OLF ee u dagaalamada xoriyada dadka Oromoda & ciidamada Itoobiya.

Wararku waxay intaa ku dareen in ciidamada Itoobya  laga dilay 60 askari waxaana laga dhaawacay 18. Dagaalkan oo aad u cuslaa ayaa  laysu adeegsaday qaybaha kala duwan ee hubka ooy kujiraan hubka culculus in tirada dhimashada ciidanka Itoobiya ay intaas kabadan karto.

Ururka OLF oo qaybhihiisii kala duwanaa ay midoobeen ayaa waxa u dagaalo kula galay ciimada dawlada Itoobiya meelo kala duduwan sida gobolka Moyale , Garamulata & Walaga.

Ururkan ayaa intii doorosho ku sheegtii ay Itoobiya qabatay ka danbayasay dar dar cusub galiyay daglaada & weerarada u ku hayo

 

fadhiisimada cimada Itoobiya.olf

Sida oo kal waxa u dagaalo culculs ku dhexmaray Waqooyiga Itoobiya xoogaga mucaaradka hubaysan ee Arbanyooj-ginbot 7  iyo Ciidanka, Ciidamada Itoobiya iyo Booliska Federaalka ah oo iskaashanaya.

Dhanka kale waxaa isla Gobolka Tigrey kahawlgala oo waliba aad usii xoogaysanaya Jabhada Hubaysan ee Tigrey ga taasoo looyaqaano Tigrey People’s Democratic Movement (TPDM). Jabhadan ayaa kala gaabisay ciidamada wayaanaha ee kusugan waqooyiga Itoobiya.

Ciidankii Itoobiya ee iscajabiyay ayaa maanta wuxuu marayaa heer xeryihiisa aysan weerarku ka kala joogsanaynin. Xeryaha Ciidanka Gumaysigu uu kuleeyahay Ogadenya ayaa noqday goobaha dagaalada oogu badan ay kudhexmaraan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya iyo kuwa daalan ee Gumaysiga Itoobiya.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay