Wararka  aan kahelayno wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa kawarbixinaya howlgalo uu Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) kafuliyay Gobolka Doollo ee wadanka ogadenia howlgaladan oo dhacay maalin nimadii arbacada ooy taariikhdu kubeegnayd 22/7/2015 ayaa ciidanka gumaysiga Ethiopia lagu gaadhsiiyay khasaare laxaad leh. Dagaaladan oo kadhacay deegaanada Qoriile iyo Caloolwayne oo labaduba katirsan Gobolka Doollo.

Warku wuxuu intaas raacinayaa in dhimasho iyo dhaawacba uu kasoo gaadhay Ciidanka Gumaysiga Itoobiya. Faah faahinta dagaaladan ayaa sida warka nagu soogaadhay udhacday sidan. Qoriile oo dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla taariikhdaas kor kuxusan Caloolwayne oo Yucub udhaw dagaal fool ka fool ah oo ciidanka qalabka sida ee Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya kudhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 6 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay