Siduu noosheegay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan laysu adeegsaday ku dhexmaray cutub katirsan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya meesha layidhaahdo Banyar oo Dagmada Iimay-Bari ee Gobolka Shabeelle katirsan. Wariyaha ONA wuxuu sheegay in CWXO ay weerar kuqaadeen xero uu Gumaysigu kulahaa deegaanka Banyar. Dagaalkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa ciidanka Gumaysiga lagaga taag roonaaday taasoo u suurta galisay CWXO ineey mudo kooban kula wareegaan saldhigii Gumaysiga Itoobiya.

Dagaalkan waxaa lagaga dilay ciidanka Gumaysiga Itoobiya 7 askari dhawr kalana waa lagaga dhaawacay hub iyo saanad Militarina waa lagaga furtay ciidanka cadawga. CWXO ayaa sida caadiga ah kuqaada fadhiisimaha uu gumaysigu kuleeyahay guud ahaan wadanka Ogadenya dagaalo qorshaysan taasoo khasaare badan uu kasoo gaadho ciidanka gumaysiga iyo maleeshiyada Hawaarinta ee damiir laaweyaasha ah.

Dhanka kale Khamiistii lasoo dhaafay ooy taariikhdu ku beegnayd 23/7/15 dagaal culus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray deegaanka Guriligo’an oo dagmada Birqod ee Gobolka Jarar katirsan ayay CWXO ka soohoyiyeen guul taariikhi ah oo dhinaca militariga ah dagaalkan oo socday mudo dheer ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare laxaad leh oonan wali faah faahintiisa haynin.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay