obama deseleignWaxaa aad loo hadal hayay bilihii lasoo dhaafay booqashada uu ku iman doono dalka Itobiya M/weynaha dalka Mareykanka mudane Obama. Hadal hayntaasi waxaa saldhig u ahaa inta badan iyadoo lagu beegay doorashadii ka dhacday Itobiya, taasoo ree Adisababa intooda badan ay aaminsan yihiin inuu xidhiidh ka dhexeeyo. Hadalada ugu badan ee dhagahaaga soo gaadhaya markaad ag-fadhiisato miisaska bunka lagu cabayo waxaa weeye; ” Obama waxaa loo qaatay inuu eedadii la joogo.” Waxaa kalood maqli; “M/weynaha iyo R/wasaaraha (Obama iyo Desalegn) midkoodna masoo jabhadeynin.” oy ula jeedaan qofaan soo jabhadaynin Itobiya waxba kama noqon karo. Waxaad kala dhex bixi kartaa ereyadaa iyo qaar kaloo la mid ah, in aan rajaweyn laga qabin inuu Obama wax ka badalo siyaasadaha cakiran ee EPRDF/TPLF.

Taasoo jirta, ayaa hadana waxaa hoosta laga jecel yahay inuu Obama cadaadis xoogan saaro nimanka TPLF-ta ah ee hortaagan inay Itobiya noqoto dawlad madani ah oo Jenanada Tigreega ah aanay xukumin. Doorashadii ka dhacday dhowr bilood ka hor booqashada Obama, ilaa hadda wax isbadal ah kuma soo kordhin saaxada siyaasadda, sida dhaqanka u ah dimoqraadiyadaha caalamka. Maadaama uu xisbiga EPRDF ku guulaystay 100% kuraastii baarlamaanka, waxaa la filayay inay ku dhawaaqaan ninka noqonaya R/wasaaraha, xataa hadii loo daynayo Hailemariam Desalegn, ka dibna uu soo dhiso xukuumad cusub iyo golaha Wasiirada. Ilaa hadda waxaad moodaa in qofwalba uu ka cabsanayo in xasiloonida jirta la dhabqiyo, oo lasoo hadal qaado magaca R/wasaareha. Warar hoose ayaa sheegaya in laga sugayo Obama inuu ka dhawaajiyo arintaa oo saaxiibkii Desalegn uu gacantiisa kor u taago, ka dibna yidhaahdo; “Yaa diidan!!” oo hadii la hadli waayo uu u sacaba tumo kuna dhawaaqo inuu yahay R/wasaaraha. Waxaa kaloo iyadana soo yeedhay inay jiraan koox loo diyaariyay inay la kulmaan Obama oo ka kooban xag-jireenka TPLF oy la socdaan qaar OPDO (Oromo) iyo qaar ANDM (Amxaaro) ah oo doonaya inay sii qasanto. Kooxdan ayaa doonaya inay Obama ka dhiidhiciyaan inuusan Desalegn jagadan sii hayn karin 5an sanoo dambe, hadday dhacdana ay Itobiya kala yaacayso, waxayna sabab uga dhigayaan inuusan lahayn awood uu ku xukumo dalka oon cidna ka amar qaadanin.

Iskusoo duub, booqasahada Obama lama filayo inay wax badan ka badasho siyaasadda iyo dhaqaalaha Itobiya toona.

Noora Afgaab/Adisababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay