Sanadguuradii 5aad ee OYSU oo laga xusay xerada qoxootiga Dhagaxlay ee  deegaanka Dhadhaab.

Xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ee wadanka Kenya ayaa shalay lagu qabtay xaflad aad ubalaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii 5aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii ururka dhalinyarada iyo ardayda ogadenia OYSU.

Munaasabadan oo ahayd mid mudo dheer laqorshaynayay aadna loosoo agaasimay waxaa siqiimaysan usoo qabanqaabiyay urur hoosaadka OYSU ee ka dhisan xerada Dhagaxlay lana shaqeeyay faraca Midnimo ee kadhisan xerada.

Ugu horaynba xaflada oo furantay abaare 2:30 duhurnimo xiliga Dhadhaab waxaana lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uusoojeediyay sh aadan macalim oo kamid ah culimada waawayn ee ree ogadenia ee qoxootiga ku ah wadan Kenya sheeka ayaa xasuusinta cabsida Allaah kadib dhalinyaradii madasha fadhiday ku guubaabiyay in ay gutaan waajibka diiniga ah ee saran isagoo kasoo sheekeeyay qisooyin badan oo soomaray asxaabtii iyo markasta dadaalkii iyo halgankii ay kusoo jiri jireen dhalantii diinta usoo dagaalami jirtay ee inagu soosintay.

Intaas kadib waxaa laguda galay ajandayaashii shirka oo dhamaantood kusaabsanaa munaasabada sanad guurada Ururka OYSO wuxuuna xoghayahay OYSU dhagaxlay mudane muuse cismaan oo shirka hagayay goobta kasoo jeediyay kudbadii furitaanka isagoo dulmaray ajandaha xaflada ee maanta  wuxuuna xoghayuhu kusoo dhaweeyay bahda warfaafinta oo warbixin dal iyo dibadba ah ka haqabtirtay bulshadii,

Sidoo kale waxaa la akhriyay taariikhta ururka oo aad udheerayd waxaana akhriyay 3 mudane oo kamid ah xubnaha OYSU waxayna taariikhda ururka OYSU ee goobta laga akhriyay soojiidatay indhaha xubnihii iyo taageerayaashii xaflada fadhiyay waxaana si isku mid ah looga maqsuuday jiritaanka ururka oo ah 5 sano oo kaliya iyo waxqabadka balaadhan ee uu ururku qabtay sanadadii yaraa ee uu jiray,

Dhanka kale waxaa kulanka kasoo qayb galay marti sharaf aad ubadan oo kakala yimid xeryaha sida Ifo iyo Xagardheere mas’uul kasocday magaalada Nairobi, xubinkasocday gudida fulinta heer aduun ee OYSU odayaasha dhaqanka ururka culimada ogadenia ururka haweenka ogadenia gudoomiyaha faraca Midnimo taageerayaasha ururka iyo dhamaan xubnaha ururka.

Hadaba waxaa madasha khudbado dhaxal gal ah kasoo jeediyay dhamaan mudanayaashii iyo marti sharaftii xaflada kasoo qayb galay waxaa xusid mudan in uu khudbad dhiiga iyo dhaacaanka dhalinta dhaqaajisay uu soojeediyay  gudoomiyaha odayaasha s.ogadenia ee xerada dhagaxlay duq Saxane maxamad duq saxane isagoo adeegsanaya khibradiisa iyo waaya aragnimadiisa ayuu dhalinta uga sheekeeyay qaybo kamid ah halgamadii hore iyo sida uu halganka manta socda ugu egyahay kii midhadhalin lahaa.

Sidoo kale waxaa khudbad dhaxal gal ah soo jeediyay xassan raabi oo kamid ah mas’uuliyiinta onlf ee bariga Africa, waxaa isna khudbad aad loogu dhagtaagayay loona xiisaynayay soojeediyay hogaanka arimaha bulshada OYSU ee heer aduun mudane mashiir maxamad. Waxaa iyaguna khudbado muhiim ah laga dhagaystay mas’uuliyiintii kasocotay xeryahay kala ah Ifo iyo Xagardheere.

Dhanka kale waxaa khudbado lagu diirsaday madasha kasoo jeediyay hooyo maraca oo ah hooyo halganka bilawgiisii lajaanqaaday  ilaa maantana ku howlan iyo gudoomiye kuxigeenka gudiga qoxootiga ogadenia marwo faadumo oo labaduba soojeediyay khudbado dhiiri galin iyo duco ubadan oo lagu diirsaday.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa loo kala dhexbaxay koox halgameedka xidigaha bariga afrika ee HILAAH oo barnaamij suugameed aad uquruxbadan kumadadaaliyay bulshadii  xaflada isugu timid waxayna kooxdu soo bandhigtay suugaan aad u qiiro iyo qiimo badan waxayna markay kooxdu soogashay uu jawigu isu badalay mid sacab iyo murugoba leh.

 

ONA/Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay