Waxaa shalay  ooy taariikhdu ahayd  26/7/2015, iskugu yimid kulankoodii laba bilood laha ahaa dhamaan iskuduweyaasha jaaliyadaha qaraadaha ee Somalida Ogadenia,  iyo ururada bulshada sida; Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya ee OYSU iyo Ururka Haweenka Ogadenya ee UHO iyo Gudoonka sare ee Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyadaha ee HAAJ. Waxaana shirkan lagaga arisanayay qodobo badan oo meelo badan taabanayay.
Wuxuu shirku ku biloowday aayadaha quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo aad uqiimo badan, kadibna  Gumdoomiyaha HAAJ, Mudane C/Qaadir Hiirmooge  (Cadaani) ayaa ka warbixiyay xalaadaha uu halganku marayo iyo dhamaan guuldarada u soo hoyatay cadowga Gumaysiga Itoobiya.  Arimaha laga hadlay shirkan waxaa kamid ahaa: Shirweynaha Jaaliyaadka ee ka dhici doonaa wadanka Norway haduu Ilaahay yiraahdo inta udhaxaysa 14-16/8/2015, Xoojinta saaxiibada jabhada ee caalamiga ah,  iyo In la kobciyo wada shaqaynta  hay’adaha jaaliyaadka iyo ururada bulshada.
 
Waxa kaloo ay masuuliyiinta jaaliyaduhu soo bandhigeen  warbixinadii  laba biloodlaha ahaa iyagoo si buuxda uga wada qayb qaateen gurmadyadii loo u uruurinayay agoonta Somalida Ogaadenya ee Gumaysigu Itoobiya soo baro kiciyay iyo qaxootigii Somalida Ogaadenya ee joogay dalka Yamen oo dhibaatooyin badani ay kasoo gaadheen dagaalada kasocda dalka Yemen. 
 Shirka ayaa wuxuu kusoo gabagaboobay guul iyo is afgarad iyo sidii loo laban laabi lahaa geedi socodka hawlaha halganka shacabka Somalida Ogadenya. 
ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay