Tan iyo Maalinkii Dhidibada lootaagay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO 15/8/1984 waxaa hubaala in Jabhadu kasoo dhalaashay Hadafkii iyo Ujeedadii loo Unkay, JWXO oo kasoo dhex baxday Dambaska Halgamadii hore waxayna muujisay firfircooni iyo isku kalsooni waxayna goosatay qaadashada Hab Maamuleed Xambaarsan Isku-Tashi lehna Hanaan Hogaamineed ay Hagayso Aaminsanaanta Mabaadii,da iyo Haykalka umadnimo oo leh yool iyo himilo ka Turjumaya Rabitaanka Shacbiyada Somalida Ogadenya.

JWXO waxay 6 dii sano ee hore Hawlaheeda ku fushan jirtay hab Qarsoodi ah maadaama ay labadii Maamul ee Ogadenia saamaynta kulahaa Col u ahaayeen, waxayna Kaadirka iyo Xubnuhuba ku dhex millaayeen qaybaha
kala duwan ee Bulshada Somalida Ogadenia, sidoo kale Gudaha Ogadenia waxaa kajiray hawl wadeeno Xambaarsanaa Fikirkii Jabhada kuwaasi oo ahaa Aaladii ugu xooga badnayd ee Gudbinaysay dareenkii Wadaniga ahaa ee dib u soo nooleeyay Ruuxdii rajo dhigtay ee Shacabka Somalida Ogadenia, hawl wadeenadaasi waxay ahaayeen kuwii sii Jilfac tiray qaybaha bulshada una Gogol xaadhay in JWXO u timaado Shacab ugu yaaaraan ka dharagsan is badalka jira una baahan Hogaamin Gadhqaada.

Inkasta oo JWXO ka faa,iidaysatay Isbadalkii kuyimid Taliskii Gumaystaha Itoobiya, hadana waxaa ka horyimid Caqabado ad adag balse lagu xisaabtamayay kuwaasi oo si isdabajooga uga imaanayay Jabhadii Wadanka Qabsatay, waxayse JWXO Go,aansatay in laga midho dhaliyo hadafkii Jabhada loona lahaado dulqaad Hagardaamada iyo Dhagarta Woyanaha, JWXO waxay dhistay Qaybihii kala duwanaa ee Ururada Bulshada Ogadenia.

Waxaana dhismaha Urur Bulsheedka xigay in markii ugu horaysay iyagana ladhiso Ciidamada Qalabka sida ee JWXO, kadibna waxaa markii ugu horaysay Qabsoomay 6/2/1992-dii Shirwaynihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia, oo kadhacay Magaalada Garbo laguna doortay Gudoomiyihii JWXO, Halyay Sheekh Ibraahim Cabdalla Maax, Intaa wixii ka dambeeyay waxaa bilowday isbadalo waawayn dhaq dhaqaaqii Jabhaduna wuxuu isu rogay Kacdoon Shacab oo leh hogaamin fulisa Rabitaanka Shacabkii Talada u idmaday, Guulahaas waxaa siwayn
uga Cadhootay Jabhadii TPLF, oo isku dayday ineey Cabudhiso Rabitaanka Shacabka balse Hogaaminta JWXO dhag Jalaq uma siinin walow ay looltankaas adkaa ku baxeen Rag aad Qaali ugu ahaa Umada Somalida Ogadenia.

1993-dii JWXO waxay ku Guulaysatay 98% Doorashadii ugu horaysay uguna dambaysay ee Ogadenia kadhacda, waxayna Doorashadaasi Horseeday Duulaan aan qarsoodi ahayn oo Wayanuhu ku sooqaadeen shacabka Ogadenia, kaasi oo Aakhirkii Kalifay in Jabhadu bad baadiso Sharafta iyo Karaamada Shacabkeeda waxayna Golihii dhexe ee JWXO 24/4/94-kii Go,aamiyeen in dariiq kasta loo maro Gobanimo Gaadhsiinta Dalka iyo Dadka Ogadenia.

Wixii Maalinkaa ka dambeeyay waxay JWXO bilowday walina wadaa Halgan Hubaysan oo lagu baadi doonayo Gobanimada Shacabka Somalida Ogadenia, waxaana hubaala in marar badan laysku dayay in dharabta lagu bakhtiiyo dhaq dhaqaaqa iyo iftiinka halganka Shacabka Ogadenia hareeraha ka joogeen, waxaa Hawshan adag u guntaday say uga niib keeni lahaayeen Xubno fara kutiris ah balse haystay Taageerada Shacabka Barakaysan ee Somalida Ogadenia.

Hogaaminta JWXO waxay qaateen go,aamo dhaxalgala oo Taariikhda baal dahabi ah kagalay oo ah in hal dhagax ay 2- Shimbirood kuwada dilaan arintaasi oo ahayd in dagaalku socdo dadwaynahana loo abaabulo hayaanka dheer ee halista iyo haydaarada badan iyadoo Talada iyo fikirka wax lagasiinayo, dhinaca kale Wayanaha ayaa iyana sii laba
jibaaray hawlgaladooda ku wajahan inay gabi ahaanba soo Af jaraan halganka JWXO, waxayna Markan Wayanuhu adeegsanayeen Koox Jawaasiis ah ooy Magacyo kala duwan u bixiyeen, kuwaasi oo dhibaato badan u Gaystay shacabka dulman ee Somalida Ogadenia, balse Shacabka Ogadenia ayaa Muujiyay Geesinimadii iyo adkaysigii lagu yaqaanay waxayna si cad uga horyimaadeen qorshayaashii Cadawga iyo Cadaw Kalkaalka.

Shacabka Ogadenia waa geedi geediguna waa geedi Xoriyadeed Gadh wadeenka iyo Sahanka geediguna waa JWXO, waxaana ka go’an in sida Shucuubta caalamka uu ka xoroobo ku hoos noolaanshaha Gumaysiga Shacabkeenu waxay si aan gabasho lahayn isaga diideen Quudhsiga iyo in lagu Dulaysto dalkooda Hooyo waxayna taa badalkeeda doorbideen inay ku dhintaan Geeri Sharafle, waxaana Halganka lagu waayay Kumanaan geesiyaal ah  oo iyagoo gamaskii Xoriyada gacanta ku haya u shihiiday Sharafta diintooda dalkooda iyo Dadkooda, waxaa u Naafoobay kumanaan kale oo maanta iyagoo ku faraxsan oo kunool dareen rajo iyo yididiilo gobanimo Xambaarsan waxaa u Bur buray malaayiin Hanti mood iyo noolba leh taasi oo aanay ugu Ciil qabin Shacabka Ogadenia waxaana hal Hayska shacabku yahay ALLA WAYEEY WADANKA YAALAHAA ALLA WAYEEY taasi oo Muujinaysa Geesinimada iyo Go’aanka aan la loodin karin eey ku socdaan.

Walow halganku Sahayday hanado Halyeeyo geesiyaal Caan baxay ahaa kuwaasi oo cadawga Jab iyo halaag baday hadana marna Halganku uma dhutin Geesi shihiiday bal ee waxaa mar walba Kaalinta soo Buuxinayay Naftood Hurayaal lagu Diirsado, waxayna Shacabka Ogadenia Ogyihiin in Wadada ay hayaan ay umado badan uga Horeeyeen kuwaasoo Qaar kood in kabadan 100 sano ay ku jireen halgan Gobanimo doon ah ugu dambayntiina
gaadhay Hadafkii iyo Ujeedadii Halgankooda.


Waxaa dhaba inaanu Geedka Xoriyadu kubixin waxaan Dhiiga Wadaniga ahayn waxaana arintaas Cadeeyay halgamayaal ku kala Nool Daafaha Dunida. Waxaa kaloo Hubaala inaanu Halgan meel qabow lahayn Talaababa Talaabada ay ka dambaysana ay ka khadhaadhahay kana dhib badan tahay. Waxaa dhaba inaan Dhayal Gobanimo lagu helaynin. Waxaan Dhiig ahayna aan lagu soo Dheelmin. Waxaa kaloo dhaba inaanu Jirin Dunida hal Dal ah oo Gobanimadiisa Hadiyad loosiiyay. Waxaa kaloo dhaba in maanta halganka Shacabka Ogadenia uu marayo Marxaladii Guusha iyo hanashada Gobanimada, sidaa Darteed waxaa lama Huraana inaan guntiga dhiisha isaga dhigno si aan mar u gaadhno Hadafkii aan Mudada dheer u soo Kifaaxnay unasoo halganay. Wuxuu shacabka geesiga ah ee gudaha Ogadeniya u birdhigay gumaadka iyo dhibaatada dabar goynta ah ee gumaysigu ku hayo, Wuxuu dhabarka u ritay balana qaaday dhib kasta oo soo gaadha inuu halganka hiil iyo hooba la garab istaago, Sida aan ogsoonahay dibada waxaa ka socda abaabul loogu talo galay inuu u dheeli tirmo midka gudaha.

Waxaa jira in ka badan 70 jaaliyadood oo firfircoon oo ku baahsan adunida dacaladiisa, banaan baxyada isdaba jooga ah ee dunida dacaladeeda ay ka dhigayaan shacbiga Somalida Ogadenya ee geesiga ah uguna danbeeyay kii ka dhacay wadanka South africa ee lagu dalbaday in maxkamada aduunka ee ICC la horkeeno kaligii taliye hale maryam, waxay intaan cadayn utahay heerka uu gaadhay halganka Ogadenya iyo sida loogu bandhigay caalamka qadiyada iyo cududa kaadirka iyo halgaamaga Ogadenya ee birta ah.

Dhinaca abaabulka shacabka Somalida Ogadenya ayaa maraya meel aad u saraysa dibad iyo gudeba, Waxaa dibad iyo gudaba ka socda wacyi galin lagu baraarujinayo dadwaynaha si garaadkooda iyo bisaylkooda siyaasi loo kobciyo, guulahan iyo kuwa kaloo badan oo aynaan koobi karin waxay markhaati u tahay in shacbiga madaalaha ah ee Somalida Ogadenya go’aan ku gaadhay inu is xoreeyo, Wuxuu ku taagan yahay jidkii saxda ahaa ee loo mari lahaa gobonimada, wuxuuna u hurayaa naf iyo maalba si guusha kama dambaysta ah loo gaadho.

Halgamayaal, saaxiibayaal iyo walaalayaal, sida caadada u ah gumaystaha Xabashida, markastoo guulaha xaq u dirirku bataan waxaa bata tabaha iyo khayaamooyinka cadawgu u maleego halgankeena, isagoo isku dayaya inuu jaahawareeriyo garashada dadwaynaha Ogadenya una marin habaabiyo ra’yiga bulshawaynta caalamka, horaan waxaan u ogayn in taliska Addis ababa ku andacoon jiray in Jamhuuriyada Somaaliya ay tahay waxa dagaalka kula jira ee shacbiga Somalida Ogadenya ogol yahay Itoobiyanimada, Taasi way beenawday oo ma aha wax lagaraysan karo maadaama ayna Jamhuuriyadii Somali kaalin siyaasi ah ku lahayn Geeska africa ooy meesha ka maqantahay, hadaba walaalahayga halgankow waxaan idinkula dardaarmayaa dadaal, dulqaad iyo samir joogto ah insha allaah.

OGADENIYA GUUL IYO GOBONIMO INSHA ALLAAH

Bye: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Sayid.ahmed1660@hotmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay