Wararka naga soogaadhaya Degmada Tahatay Adhiyaabu oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Galbeed ee Kililka Tigrey ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxay Ciidanka Wayaanaha ee deegaankaas kusuga.

Dagaalkan oo khasaare gaystay ayaa waxaa ku dagaalamay labo qaybood oo kawada tirsan ciidanka Gumaysiga Itoobiya. Sida warkani uu tibaaxayo dagaalkan ayaa qarxay kadib markii askari lagu magacaabo Tazaze Dhababa uu toogtay labo sargaal oo ciidanka kamid ahaa kuwaasoo la kala yidhaahdo Labo Xidigle: Asarat Baayuu iyo Saagin: Kaasa Allamu. Askarigan falka gaystay ayaa markii dambe isagu lafihiisa isdilay sida wararku sheegayaan. Sidoo kale waxaa degmada Adhi-Hagareey oo isla Kililka Tigrey katirsan uu askari tigrey ah ku dilay sadex korneeyl iyo ilaaladoodii kadib intuusan istooganin.

Dhacdooyinkan ayaa sijoogta ah  oogu soobadanaya ciidanka Wayaanaha dhexdiisa. Dadka falanqeeya arimaha Itoobiya ayaa ku tilmaamay ineey arintan salka ku hayso kala qaybsanaan iyo khilaaf gaamuray oo u udhexeeya Saraakiisha iyo ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee kusugan Kililka Tigrey. Waxaa kaloo ay cadayn utahay falalka noocan ah in gabi ahaanba kala dambayntii iyo kalsoonidii ciidanku burburtay.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay