Waxaa shir muhiim ah isugu yimid hawlwadeenada jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton kaa soo bishiiba ay hal mar qabtaan Jaaliyadu. Waxaana shirka Lagu furay wacdi diini ah oo aad u qiimo badnaa. Shirka waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Magaalada Edmonton mudane Axmed Cali.

Ed1

Wuxuu kasoo jeediyey Gudoomiyuhu madasha shirka warbixin aad u dheer oo ka hadlaysa wax qabadkii jaaliyada mudadii bisha ahayd ee ina soo dhaaftay wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey xubnihii sida wanaagsan uga qayb qaatay hawshii sakaatulfidriga ee loogu ururinayey agoonta, bugtada iyo dhaawaca Soomaalida Ogaadeeniya ee ku sugan xeryaha xaqootiga ee Bariga Afrika.

Ed2

Wuxuuna sheegay in si wanaagsan loo gaadhsiiyey. Waxaa halkaa ka dhacay xil kala wareejin lagu sagootinayey isuduwihii hore ee Jaaliyadaha Canada Mudane Yuusuf ismaaciil laguna soo dhawaynayey isuduwaha cusub ee jaaliyadaha Canada halgame C/xakiim maxamed weli. Waxa lagu soo dhaweeyey mudane Yuusuf Ismaaciil oo halkaa ka jeediyey dardaaran aad u qiimo badan oo dhinacyo badan taabanayey wuxuuna soo dhaweeyey isuduwaha cusub wuxuuna yiri waa in loola shaqeeyaa sidii la iila shaqayn jiray si kasii saraysa aniguna waxaan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo.

Ed3
Waxaa madasha lagu soo dhaweeyey halgame C/xakiim isuduwaha cusub oo dhawaan booqasho ugu maqnaa Bariga Afrika wuxuu halkaa bogaadin iyo amaan uga soo jeediyey mudane Yuusuf Ismaaciil sida xilkasnimada leh ee uu hawshan u soohayey isaguna wuxuu ilaahay ka baryey masuuliyadan la saaray in ilaahay ku asturo,wuxuuna halkaa ka bixiyey warbixin gaaban oo ka hadlay say wuxuu ku soo arkay Jaaliyadaha Bariga Afrika , meesha ay marayaan iyo fariimo uu ka waday madaxda ka hawl gasha halkaa.

Ed4
Gabagabadii iyo gunaanadkii kulankaasi wuxuu ahaa kulan aad u xiiso badan waxaana shirka soo xidhay gudoomiyaha jaaliyada Edmonton isagoo yiri waa in aynu udiyaar garownaa sanad guuradii Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadenya oo inagu soo aadan bishan soo socota ee August  haduu ilaahay yiraahdo. Shirkii Jaaliyada Edmonton ayaa guul iyo jawi aad uwanaagsan kusoo idlaaday.

Ed5

 

ONA/Canada

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay