Waxaa ONA soogaadha warar hordhac ah oon laxaqiijinin wali kuwaasoo sheegaya in Barakat Simon uu kugeeriyooday Bishigan Referal Hospital oo Kuyaala magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya. Barakat Simon ayaa kamid ahaa Masuuliinta ugu tunka wayn ee Jabhada Wayaanaha ee marka lasoo gaabiyo looyaqaano EPRDF .

Warkan ooysan wali ONA xaqiijin karin ayaa tibaaxaya in si kadis ah loogeeyay dhakhtarkan oo dhawr jeer oo hore lagaga daaaweeyay xanuun Beerka kaga dhacay kaasoo uu mudooyinkii dambe la ildaraa Barakat Simon. warku wuxuu intaas raacinayaa in qaliin hore lagaga sameeyay tuubada Beerka dhiiga kaqaada.

Sida ay wararku sheegayaan dhakhtarkiisa ayaa laga sooxigtay inuu sheegay in xaaladiisu ay kasamir tahay isagoo ka codsaday xigtadiisa iyo dadkii lasocday ineey meel kale uqaadaan kadib markii laga xaalwaayay.

Dhimashada Barakat Simon hadii ay rumawdo ayaa noqonaysa in madaxdii JabhadaEPRDF ay badankood yihiin wax dhintay iyo wax cagta saaray oon waxba lanoolayn taasi oo cadayn u ah in shacabkay gumaadeen aysan waxba kadambaynin oo cadaalada Ilaahay aysan cafinin kuwii shacabka masaakiinta ah ciqaabi jiray.

Wixii kasoo kordha xogta waxaad kaga bogan doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay