Wariyaha u dhashay dalka Sweden ee Martin Schibbye  ayaa si waafi ah uga waramay 438 kii maalmood ee isaga iyo saaxiibkii ay sida xaq darrada ah ugu xidhnaayeen gumaysiga Itoobiya kadib markii la qabtay iyagoo sii galaya Ogadenya si ay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Ogadenya ugu soo bandhigaan caalamka ay ka qarsoon tahay gumaadka iyo xasuuqa ay gumaysatada Itoobiya ku hayso shacabka Ogadenya ee ay ka go,doomiyey saxaafadii caalamka iyo hay,addaha u dooda xuquuqda aadamigaba.

Wariyaha oo u waramaya saxaafada xorta ah ayaa waraysigiisa kusoo beegay xili uu madaxweynaha dalka Maraykanka Mr.Obama booqanayo dalka Itoobiya,waxa ugu weyn ee lagala hadlayana ay tahay xoriyada saxaafada iyo arimaha xuquuqul insaanka oo ay Ogadenya ugu horeyso.

Waraysigan ayaa lagu soo bandhigayaa wariyayaasha u xidhan Itoobiya ,qaar lalaayey iyo kuwo la la,yahay meel ay ujiraan lana filayo in iyagana la dilay ama lagu hayo meelo qarsoon oo jidh dilka lagu sameeyo.

HALKAN KA DAAWO

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay