Warar hoose oo naga soo gaadhaya Itoobiya ayaa sheegaya in Hay’ada Isgaadhsiinta Itoobiya la Hack gareeyay shalay adeegyadii kala duwanaa ee hay’adu ay bixin jirtayna gabi ahaanba ay hawada ka maqanyihiin mudo labo bari ah.

Xogtan ay ONA heshay ayaa sheegaysa in hackers ay jaam gareeyeen hay’adan kuwaasoo aan wali haybtooda lagaranaynin. Waxaa hawada ka maqan gabi ahaanba adeegyadii taleefanada iyo internet ka. Dhamaan macaamiishii hay’adan oo ubadnaa shirkadaha bixiya adeegyada taleefanada iyo Internet ka ayaan tan iyo shalay wax adeeg ah bixinin taasoo keentay dhibaato badan oo xaga xidhiidhka iyo isgaadhsiinta laxidhiidha.

Warkan ayaa intaas kudaraya in nin lagu sheegay inuu Nigerian yahay laguna magacaabo sida lasheegayo Saami Jijirova uu lawareegay bartay Hay’ada Isgaadhsiinta Itoobiya kulahayd Internet ka. Ninkan oon wali si rasmi ah haybtiisa loo xaqiijinin ayaan wali kala cadayn inuu kamid yahay kooxda hack garaysay nidaamkii hay’adan ugaar ka ahaa ee Internet ka.

Gumaysiga Itoobiya ayaa sanadihii lasoo dhaafay hack gareeyay TV yada iyo Idaacadaha kala duwan eey leeyihiin ururrada Mucaaradka ah sida ESAT TV, Ilays TV iyo Radio Xorriya oo dhamaantood ay Itoobiya weerar xaqdarro ah kuqaaday. Sida ay Wikileaks oo siraha aduunka sooqufta ay sheegtay Gumaysiga Itoobiya ayaa maal iyo wakhti badan ba kubixisay sideey ujabsan lahayd weebab iyo e-mail lo sigaar ah loo leeyahay oo kasoo horjeeda siyaasada Itoobiya. Xogtaas lahelay ayeey lasocdeen cadaymo muujinaya qaabkay Itoobiya falalka noocaas ah oogu lug lahayd.

Dhanka kale waxaa Maxkamada Sare ee dalka Maraykanka dacwad kadhan ah Itoobiya kusoo oogay nin asalkiisu Itoobiyaan ahaa balse dhalasho Maraykan ah haysta oo kunool wadanka Maraykanka. Ninkan ayaa ku dacwoonaya in Gumaysiga Itoobiya ay e-mail kiisa khaaska ah jabsatay taasoo hadii lagu cadeeyo in Itoobiya ay falkaas gaysatay dharbaaxo wayn oo dhanka sumcada iyo xidhiidhka beesha caalamka ah u horseedi karta Itoobiya.

Waxaa iswaydiin mudan in maanta Gumaysigii Itoobiya ee isu haystay inuu yahay lama taabtaan hay’adii Isgaadhsiinta hawada laga saaray taasoo cadayn u ah awooda iyo tabar yarida Gumaysiga Itoobiya. Arintan ayaa kusoo aadaysa maalmo yar uun kabacdi booqashadii muranka badan dhalisay ee Madaxwaynaha Maraykanka Obama uu dhawaan kutagay Addiss Ababa.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay