Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa ka warbixinaya howlgalo ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) ka fuliyeen Gobolka faafan gaar ahaan deegaanka layidhaahdo Dhadhame oo Degmada Baabili katirsan.
Siduu warkani sheegayo howlgaladan oo kadhacay deegaanka lagu magacaabo Dhadhame oo dagmada Baabili ee Gobolka Faafan katarsin ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare laxaad leh. Dagaaladan oo dhacay taariikh intii udhaxaysay 28-29/7/2015 ee bishan aan kujirro oo
ku beegnaa Talaadadii iyo Arbacadii.

Faah faahinta dagaalladan ayaa lagu sheegay in afar askari ciidanka gumaysiga lagaga dilay maalimadii darraad ahayd meesha dhaawucu uu gaadhay sadex askari. Sidoo kale dagaalkii shalay oo Arbaco ahaa kadhacay deegaankaas ayaa gumaysiga khasaare badan kasoo gaadhay laakiin wali faah faahinta dagaalkan ayaanan wali helin.

Wixii kasoo kordha dagaaladan waxaad kaga bogan doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay