Wariyaha ONA ujooga Ogadenia ayaa kusoo waramaya in dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawacba loogu gaystay ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee dulmiga ku jooga wadanka Ogadenya uu ka dhacay tuulada Caado oo katirsan Degmada Danood ee Gobolka Doollo.

Dagaalkan oo udhexeeyay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya CWXO iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ooy ku weheliyaan maxaysata loo yaqaano Hawaarinta ayaa khasaare balaadhan uu kasoo gaadhay ciidanka gumaysiga Itoobiya. Warkan ayaa intaas raacinaya in dagaal qorshaysan ay ku qaadeen CWXO saldhig uu cadawgu deegaankaas si sharci darro ah ooga samaystay.

Khasaaraha ciidanka Gumaysiga Itoobiya kasoo gaadhay dagaalkan oon faah faahintiisa hellay ayaa lagaga dilay ciidanka gumaysiga Itoobiya 5 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 7 askari. Sidoo kale waxaa ciidanka cadawga lagaga qaniimaystay hub iyo saanad militari oo kala duwan.

Dagaalada qorshaysan ee CWXO ay ku asqaynayaan saldhigyada uu gumaysigu kasamaystay Ogadenya ayaa aad usii laba jibaarmay mudadii lasoo dhaafay. Wararka Ogadenya iyo kolba wixii kasoo kordha waxaad ka heli doontaan ONA haduu Ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay