Warar dag dag ah oo Wakaalada ONA kasoo gaadhay caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis-Ababa ayaa sheegaya inuu ugaadhsi ba,an ka jiro magaalada Addisababa  kaas oo lagu hayo maal qabeenada waaweyn ee ugu caansan dalka Itoobiya ee gacansaarka dhow  la leh xisbiga dalkaasi xukuma ee TPLF.

Ganacsade Hagos Walde Garima oo ah maalqabeen caan ka ah dalkaasi Itoobiya aadna ugu dhawaa Raisul wasaarihii hore ee dhintay Males Zenawi ayaa lagu toogtay magaalada Addis Ababa isagoo kujira gaadhigiisa oo ahaa nooca raaxada ee Blue Land Cruser  Taarikadisuna tahay  A.A Code 2 .

Sidoo kale waxaa isna aroornimadii shalay  la dilay gacansade Amara oo ahaa ganacsade weyn oo isna kamid ah maal qabeenada si aadka ah ugu dhow madaxda sarsare ee TPLF ta,ganacsadahan ayaa la dilay isagoo kusii socda gobolka Tigreega.

Dilalkan lagu ugaadhsanayo maal qabeenada la shaqaysata madaxda sarsare ee  TPLF ayaa la garanaynin cid ka dambaysa dilkooda waxaase loo malaynayaa in ururrada Tigreega ee mucaaradka ku ah TPLF ay ka dambeeyaan dilkooda.

Wixii warar ah ee kasoo kordhaa kala soco ONA.

ONA/Ethiopia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay