ogaden-nomadsOlolaha Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee loo tababaro sidii ay u cadaadin lahaayeen shacabka Somalida Ogaden ayaa sii kordhiyay bilahan danbe cadaadiska ay saarayaan shacabka. Waxaana kamida inay hantida ka dhacaan shacabka iyaga oo guryo badana guba.

Dadkii ugu danbeeyay ee musiibadan soo gaadhay waxaa kamida Ilmo dhiil qudhun, ilmo macalim xassan Iyo Mahad (Magacisa Buuxa aananu heynin) oo ciidamada gumeysigu ugaga dhaceen 500 (shan Boqol) oo halaad Deegaanka Jeexdin oo kamida degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay  taariikhdu markay ahayd 20 July 2015.

Mahad Daahir Raage ayaa sidoo kale gurigiisa looga gubay Daakhato oo ka tirsan Gobolka Nogob taariikhdu markay aheyd 26 July 2015.  Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ayaa halkaas dhaawac ku gaadhsiiyay Mahad Hooyadiis oo lagu magacaabo Ceeblaqarad Muxumad Haaruun oo isku dayday inay ka hor joogsato Ciidamada Gumeysiga inaysan gubin guriga wiilkeeda.

Ciidamada Woyanaha Ethiopia  dhibaatada ay u geystaan shacabka Somalida Ogaden cidina kuma daba galin illaa hada mana jiraan  cid loo xukumay ama loo xidhay dhibaatooyinka xasuuqa leh ay ka geystaan dhulka Ogaden.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay