Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay kormeer shaqo kusoo kala bixiyay gobollada wadanka Denmark wafti heer sare ah oo ka socday Jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Denmark. Waftigan oo hawlo shaqo kusoo kala bixiyay qaar kamid ah goballada dalka Denmark sida Odense, Viborg iyo Århus ayaa waxay kulamo laqaateen qaybaha kala duwan ee bulshada Somalida Ogadenya ee ku dhaqan deegaamadii ay waftigu booqdeen.

D1

Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd abaabulka iyo wacyigalinta shacabka ayeey waftigu waxay lawadaageen shacabkii ay la kulmeen warbixino meelo badan taabanaysa oo kusaabsan geedi socodka Halganka Shacabka Somalida Ogadenya iyo marxalada maanta uu marayo halganku. Waxaa kaloo ay waftigu ka warbixiyeen xaalada murugsan ee Gumaysiga Itoobiya uu ku suganyahay iyo jahawareerka xididaystay ee Gumaysigu kusuganyahay.

D1

Dhanka kale shacabkii ay waftigu la kulmeen ayaa talooyin iyo afkaaro dhaxalgal ah ooy kuxoojinayaan Halganka Ogadenya lawadaagay waftigan. Talooyinkan oo isugu jiray kuwo guubaabo iyo taageero guud ah oo qadiyada Gobanimadoonka Somalida Ogadenya lagu taageerayo ayeey waftigu aad usoo dhaweeyeen.

Kormeerkan shaqo eey Waftiga Jaaliyadu goballada wadanka Denmark kusoo mareen ayaa ahaa mid ujeedadii iyo ajendihii loogu talogalay laga gaadhay aadna shacabkay la kulmeen ay oogu diirsadeen masuuliinta waftiga oo ahaa kuwo aad oogu dhuunduleela guud ahaan hawlaha halganka Somalida Ogadenya.

D6

D2

 

ONA/Denmark

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay