Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa ka warbixinaya howlgallo ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) ka fuliyeen qaybo kamid ah Gobolka Shabeelle ee wadanka Ogadenya. Howlgalkan oo ahaa mid sifiican loosoo qorsheeyay ayaa udhacay sidii loogu talogalay waxaana lagulaayay askar badan oo huubada uu gumaysigu soo lugooyay kamid ah .

Waxaa taariikhdu markay ahayd 29/7/2015 Banyare oon ka fogayn dagmada Iimay-Bari ee Gobolka shabeelle  dagaal kadhacay ciidanka wayaanaha lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla deegaankan waxaa  30/7/15 Boholka -Biyocade oo dagmada Iimaybari ee Gobolka shabeelle katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa Gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray wayaanaha lagaga dilay 15 askari 25 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dagaalkan kadhacay Boholka-biyocade wuxuu noqday mid ay nacab iyo naasaxba ka sheekeeyaan waxaana cajiib ahayd habkii ay CWXO usoo maareeyeen isla markaana ufuliyeen weerarkaas iyo habkay uga baxeen weerarka kadib aagagii ay gacanta kudhigeen.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay