Shir balaadhan oy ka soo qaybgaleen madaxda JWXO oo uu horkacayo Gudoomiyaha ururka Adm. Maxamad C. Cismaan ayaa lagu qabtay magaalada London shalay oy taarrikhdu ahayd 03/09/2011. Waxaa kaloo shirka goobjoog ka ahaa hogaanka abaabulka iyo araimaha bulshadda HAAB mudane Maxamed Cabadi Yaasinn {diirane} iyo dhamaan jaaliydda London,Uurarada bulshadda, sida ururka hawaeenka OWRA, Ururka dhalainyardda OYSU -UK iyo odayaasha.

Shirkan balaadhan ayaa u dhacay sidan;

Ugu horeyn waxaa lagu furay shirka Aayadda quraana iyo wacadi diina aha oo uu soo jeediyay. Sh Axamed Wayrah, ka dibna waxaa hadalaka qaatay kusimaha guddoomiyaha jaaliyyda mudne Yuusuf Qabile oo shirka si rasimi u furay oo halkii ka akhriyaya agendaha shirka iyo waxa maanta layskugu yimid. Isagoo ku hadalaaya magaca jaaliydda London ayuu warbixin dheer ka bixiyay waxqabadkii jaaliydda mudadii ay xilka hayeen; waxa u qabsoomay, waxay tiigsanahayaan. Wuxuu uga waramay madaxda in xaaladda jaaliyaddda London ay marasayso meeshii oogu wanaagsanayd, isagoo intaa raaciyay inay wadashaqayn fiican ka dhexeyso jaaliyadda iyo uraradda bulshadda ee ka jira wadanka sida ururka haweenka, dhalinyadda, odayaasha iyo culimadaba. Wuxuu ku simaha gudoomiayaha sigaara haddalka oogu adkeeyay ururka haweenaka iyo howsha adadg ee uu hayo. Guud ahaan waxuu sheegay in dhanka dawalada aan la noolahay iyo shacabka Soomaaliyeed iyo jaaliyadda S.Ogadeniyaba ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan isagoo sheegay inay taageersanyihiin halganka shacabkeena.

Waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Ururka Dhalinyarda OYSU faaca UK mudane Salaad Cabdullahi Garaad, wuxuuna aad ugu nuuxnuuxsaday inay dhalinyadu maanta fahantay qadiydda iyo ujeedadeeda loo halgamayo, maamulkiisana uu dhamaan bulshadda Soomaalidda ogadenia guri guri u gaadhasiinhayo, qoys walba iyo xaafad walibana ay qayb ka yihiin halganka socdo. Wuxuu xusay inay dhalinyarada saran yihiin FARAS DHEERAYN HAYA OON LA HOR ISTAAGI KARIN qofkii kadhacana yeelkiis.

Ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha ururka haweenka AWRA marwo Rooso C/raxamaan. Waxay ka hadashay iskaashiga ka dhexeeya ururka haweenka iyo jaaliydda oy sheegtay inay haweenka lafadhabar u yihiin dhalinyaraddana ay iswadda garabtaagan yihiin. Waxay sheegtay marwo Raaso inay haweenka wax walaba oo laqabto ugu horeyanaan, iyadoo xustay waiba inay jiraan arimo u gaara oo farabadana oo ku saabasan xaga familidda iyo buktada iyo gabdhaha uu cadawagu dhibaateeyayay, dhaawaca, inaan sigaar u ogaano iyo waliba agoonta shacabkeena. Si aad ah ayaa loogu riyaaqay doorka ay qaataan ururka haweenka Ogadenya.

Warbixinadaa ka dib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Gud. JWXO Adm. Maxamecd Cumar Cismaan. Gudoomiyaha waxuu ka hadalay arimaha farabadan oo gudaha dalka iyo dibadaba quseeya, waxuu ka hadlay halaganka iyo halkuu maraayo, waxuu xusay isbadaladda ka dahacaya dunidda, xeeladdaha gumayasiga uu adeegsnayay mudooyinkii dambe iyo qaabka shacabkeen ay ula dhaqamaan maamuladda darisaka ah. Wuxuu kaloo ka hadlay Gudoomiyaha damac gumaysiga iyo doqonimadda dabqoodhiga. Waxaa kaloo uu warbixin ka bixiyay macnawiyaadka shacabka ree ogadeniya, waxaa kaloo uu si qota dheera ooga hadalay himilooyinka halganka, baranaamijka halganka, ujeediiyinka halganka, xeeraka JWXO.
Wuxuu aad ugu dheeraaday Gudoomiyaha inay waajib ku tahay qofkasta oo dalkaa u dhashay inuu ka qayb qaato halganka socda oo aakhiro la weydiin doono, qofka mujaahidka ahana maadaama uu xaku taaganyahay uusan aqoonin cabsida wuuna guulaysan aakhiro iyo aduunaba.

Waxaa ka dib lagu soo dhaweeyay madasha halgame Maxamed Cabdi DIIRANE gudoomiyaha HAAB. Waxuu ka hadalay arimmaha jaaliayddaha ree ogadeniya iyo halakay marayaan, waxauu ka hadalay howlaha u yaala qaarad walaba, waxuu ka hadalay qaabka shaqada iyo arimaha abaabulka, waxuu kahadalay qaabka gumaysigu damacsanayahay inuu u dhaxgalo halgan iyo hawlwadeenadda. Waxuu mudane Diirane ifiyay tabaha gumaysigu uu isticmaalayo inay tahay middii munaafiqiinta sidda qabiilka, gobalaysiga, saaxiib beenaadka iwm, waxuu kaloo sheegay in gumaysigu soo isticmaalay isku dayo fara badan laakin ay wada fashilmeen oo maanata ay iswada nacladayaan kuwii raacay, taasna waxay daliil u tahay in marwalaba xaqu guulaysan jaaliyadunaha waxay u shaqayn hayaan sidii larabay.

Waxaa ka dib hadalaka lagu soo dhaweeyay halgame Daahir Hassan Cabdullahi oo kahadalay soona bandhigay barnaamijka muhiimadda ugu waynaa ee kulanka iyo sidii loo fulin lahaa. Wuxuu ka hadlay halgame Daahir in mudaaharaad uu ka dhici doono baralmaanka Yurub ee Brussels hortiisa, maalintaas uu socdo hearing (dhagaysiga) lagaga hadlaayo arimaha Ogadenia, waana maalintii la qiimayn lahaa 5ta sano ee soo socoto deeqdii la siin lahaa gumaysiga Itobiya.

Waxaa kaloo talooyin waxa ku ola u soo jeediyay shirka mudane Cabdullahi Caleen -xdhiidhiyaha jaaliaydda UK kana hadalay arimaha mudaaharaadka iyo iskxidhka jaaliydaha, qaabaynata dadka, balamaha in la ilaaliyo, in lays ogaado.

Marwo Ruqiya Xuuseen Aabi ayaa iyadana hadalo qiimi leh u jeedisay shirka kusaabsan waxqabadka ururka haweenka, damacooda siyaasadeed midka bani aadanimo. Waxay u jeedisay haddalo aad qiima badan kuna salaysnaa aqoon iyo khibrad. Waxay u soo jeedisay talooyin ku socda madaxada JWXO iyo dhamaan shacabka ree Ogadenia oo dadkii meesha joogayna ay u qateen shaqo guri (Home work).

Waxaa kaloo hadalka qaatay halgame Xamse shariif oo ka hadaly xidhiidh ka jaaliyadda iyo ka dhaxeeya shuucbata lagumaysto ee kale, isagoo sheegay in loo diyaar garaoobo kulamo kale oo si wadajira looyeelan doono kana dhaci doona London. Waxuu sheegay halgame Xamse Geeska Africa maanta shacab ahaan iyo siyaasad ahaan innaga ayaa hogaaminaya ee saa ula socda.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay duco iyo daradaan iyo tacsi loo diraayo shacabka ree Ogadenia iyo CWXO oo looga tacsiyayn hayo dhamaan shuhadda ka shihiida dalka gudihiisa iyo dibadba.

ONA/London.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay