Banaan bax aad ubalaadhan oo ay sooqabanqaabisay jaaliyada Somalida Ogaadenya ee kudhaqan Seattle iyo nawaaxigeeda ayaa wuxuu kadhacay maanta badhtamaha Magaalada Seattle, kasoo lagaga soohorjeedo gacanyarayaasha dhiigyacab Meles Zenaawi uu usoodiray qurbaha si ay u maran habaabiyaan qurba joogta oo ay uga hortagaan banaaxbaxyo loogasoo horjeedo taliska wayaanaha oo lafilayo inay kadhacaan Ethiopia bisha soo socoota oo ku beegan wakhtiga ay waayaanuhu qabsadeen talada Ethiopia.

Banaanbaxaan oo ay kasoo qaybgaleen dad aad ubadan oo kakoobaan dhamaan qoomiyadaha dulman ee kunool Ethiopia, ayaa waxaa kaalin wayn oo laxaadleh kaqaadatay jaaliyada Somalida Ogaadenya ee Seattle oo siweyn usoobuuxdhaafisay madasha uu dibadbaxu ka dhacayey.
Dadka oo aad uxamaasadaysnaa ayaa waxay awood buuxda uyeesheen inay is hortaagaan dad tiro yar oo iskudayey inaan galaan shirka dabaqoodhiga
Banaan baxaas oo aad u balaarnaa ayaa wuxuu soo jiitay indhaha saxaafada waxaana ka soo qayb galay saxaafada gudaha ee Washington state iyo kuwo kale oo afka Somaliga kuhadla wuxuuna ku dhamaaday guul.

 

 
 

1 Comment

  1. abbdalla says:

    maa shaa allaah, waa farxad wayn iyo guul ay soo hooysay jaaliyadda soomaalida Ogaadeeniya ee ameerica gaar ahaan seattle , gumaysiguna aad ayuu uga naxayaa waa hubaal iyo muran ma doon

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay