kalidi coffe shopNinwalba markuu heemaarsaday intii koobka ugu hadhay ee qaxwa ama shaah ama kobojiino ahayd ayuu hadalkiisii bilaabay Cali Axmad oo yidhi waxaa la’ii yaqaanaa Cali Faqash. Markuu naanaystaa sheegay ayuu Tesfaaye hadalka ka boobay oo yidhi;

“Noogu horeysii sababta laguugu bixiyay Faqash.” Iyadoo ay muuqato inuu horey ula socday in SNM-ta ay ula baxeen Faqash ciidankii Somaliya ee la dagaalamayay. Hasa ahaatee Cali ma tixgalinin weydiintiisa uu ku doonayo inuu ku marin habaabiyo. Hadalkiisii ayuu iska watay wuxuuna yidhi;

” Somalida waxay ku maahmaahdaa, qof waxaad baran kartaa, marka aad jid la marto, jabad la gasho, jidiin la cunto. Horta Ogadeenka ayaa idin yaqaana ood intaaba wada marten, anagase waxaan idiin nimid anagoo kasoo cararnay xukunkii Maxamad Siyaad Barri Allaha u naxariistee, ka dibna waxaad noo adeegsateen in aan guryahanagii dumino oo qaranamiadii Somali aan burburino ka dibna aan idin soo hoos fadhiisano.” Intaa markuu yidhi ayuu aamusay. Daqiiqad markii lakala aamusnaa ayuu u raaciyay;

“Xaqiiqada hadaad doonaysay wataa.”

Tesfaaye ma’ahayn nin sahlan ama sida xabashida hadalka soo kooba. Waa nin ku tababartay gar Somalida oo siduu sheeganayo toban sano iyo ka badan ku noolaa Ogadenya iyo Somaliya oo uu hawla qarsoodi ah u tagi jiray. Isagoo dhoola cadaynaya ayuu yidhi;

“Hadaad heli lahaydeen fursadda aan idinka helnay miyaad noo nixi lahaydeen?” Xoogaa ayuu noo aamusay si saashaa ay noogu dagto. Ka dibna wuxuu raaciyay;

“Waan idin soo dhaweynay, qaxootigiinii ayaan dajinay ay Faqashta soo caydhiyeen.” Dhihidda ereyga faqasha ayuu ula sii jeestay dhanka Cali isagoo hadalkana sii wata;

“.. baasabooro aad dalalka ku martaan ayaan idin siinay. Intaa waxaa dheer, hadaanan idinku kala dhex jirin idinkaaba isdhamayn lahaa.”

Hadal gar ayuu u muuqdaa, waana ereyada dhamaan Itoobiyaanka caadiga ah ay aaminsan yihiin ama la aaminsiiyay. Cali Faqash ayay dhalinyaradii dhankiisa u jeesteen say u maqlaan jawaabta uu ka bixin doono, ileen isagaa dhagaxtuurka bilaabaye. Wuxuuna yidhi;

“Su’aal ayaad na weydiisay oo aadan fursad noo siinin in aan kaaga jawaabno. Su’aashaa ayaana fura u ah siday Itobiya ula dhaqmayso Somalida. Waxaad na weydiisay; Hadaad heli lahaydeen fursadda aan helnay manoo nixi lahaydeen. Taas ayaan sal u ah dhibaatada ay Itobiya ku hayso Somalida, hadafka Itobiyana waa in aanay dhismin Somali dambe oo xoog leh.”

Cali faqash intaa markuu yidhi ayuu fursad siiyay Tisfaaye uu ku jawaabo, hasa ahaatee aamuskii ayuu maciinsaday. Ka dib Axmad ayaa u raaciyay; ” Itobiya waa fulay wax lagday, waxayna ka cabsanaysaa inay Somali kusoo kacdo oo abaalkeeda mariso.”

Markaa ayuu Tesfaaye qosol intuu ku dhuftay si loosoo wada fiiriyo yidhi;

“Hadaad qirateen in aan idinku fadhino, haba sugina in aan idinka kacno.” Wuxuu raacsaday;

“Horta Somali wax la yidhaahdo caalamka kama jirin wixii ka horeeyay 1960kii. Caalamkana wuxuu yaqiinay un boqortooyada Xabashi ama Abyssinia .. isticmaarkii Yurub ayaa ka gooyay Somaliya dalkeena ama Itobiyada kale.”

Wuxuu raaciyay gacanta inuu dhanka dhalinyarada u fidiyo markuu lahaa –dalkeena Itobiya-.

Dhalinyaradii oon ku jiro ayaa isku mar qosol ku dhuftay. Midkood ayaa ku dhex daray qosolkii; “Aryaa ar been badanaa kan.”

Anigaa farta taagtay saan la’iiga qaadanin hadalka oo idhi;

“Mr. Tesfaaye, hadaad noo keento hal khariido oo caalami ah oo muujinaya inuu dalka Somalida ay dagaan, min xeebta ilaa Harar, inuu  ka mid ahaa Itobiya ama boqortooyadii Abyssinia waad naga gar heshay.”

Su’aashaa hal xidhaalaha ah ayaan ku aamusay, anigoo u daayay inuu jawaab ka keeno, masa dhicine dhufays ayuu qotay. Muddo ka dib ayaan u raaciyay;

“Itobiya taariikh dhab ah oo u qoran ayay doonaysaa inay aasto. Sow idinka sheegta, gaar ahaan hadaad tihiin qawmiyadda Axmaaro, inuu Minilk ahaa boqorkii ugu horeeyay ee buuraha kasoo dajiya boqortooyadii Abyssinia oo caasimadda ka dhigtay Fin-Fine ama Addis Ababa. Haduu boqor Minilk sidaad dhahdeen ahaa Aabaha Itobiya ee fidiyay dhulka Itobiya, siday Abyssinia ku xukumi jirtay Somali ama Oromo ama Sidama intii ka horeysay Minilk?”

Aamus dheereeyay ayaa ku xigay, oo aniga iyo dhalinyarada aan ka sugaynay jawaab inuu keeno ama uu noo qiro inay tahay been aan jirin in Somaliya ay ka mid ahayd boqortooyada. Markuu fahmay inuusan hadal noo hadhin intuu ka jawaabayaa su’aashaa ayuu yidhi;

La soco Qaybaha Dambe.

Noora Afgaab/Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay