Waxaa la soo hordhigay aqoonyahan ka kooban qayba ka mid ah shacabka daga Ogadenya qodobo la yidhi waxay ka mid tahay dambiyada ay gashay jabhadda ONLF. Dood dheer ayaa ka furantay oo hab maxkamad bulsheed loo qaaday. Ka dib markay aqoonyahankii dhagaysteen dacwadihii iyo difaacii xubnaha iyo ra’yigii odayaasha dhex-dhexaadka ahaa, waxay soo saareen qoraal aad u qota dheer oy ku soo ururiyeen go’aankoodi.

Hordhac:

Wax walba sabab ayay leeyihiin. Sidaa darteed ONLF kuwa colaadinaya wax umbay sal uga dhigeen colaadooda. Hasa ahaatee inay ku saxsan yihiin iyo inkale si loo ogaado waxaa fiicn in la qodobeeyo. Dad xog-ogaal u ah arimaha Ogadenya aqoonna u leh taarrikhda shucuubta iyo xaaladda guud ahaan ay umadda Somaliyeed ku sugnayd 30kii sanee la soo dhaafay ayaa dhagaystay eedeymaha loo soo jeedinayo ONLF ka dib baadhitaan ku sameeyay meesha ay salka ku leeyhiiin eedeymahaa.

Markay dhagaysteen doodii iyo dacwadihii iyo difaacii waxay soo saareen qoraalkan kooban oy ku sheegeen inay kala soo baxeen weydiimihii iyo baadhitaankii qodobada soo socda oy yidhaadeen waa kuwa ay isugu biya-shubanayaan asbaabaha dadka qaarkii ay u colaadinayaan ONLF, anagoo wailba aan moogeyn inay jiraan dacaayada badan oo cadawga uu ka dambeeyo uuna kula dagaalamayo ONLF iyo qaar kale oo daacaydaha lidka ku ah ururkan ay yihiin un kuwo ku dhisan mala-awaalka Somalida ay caanka ku tahay.

Markaan isku soo ururinay qodobada ugu muhiimsan waxay hoos tagayaan cinwaanada soo socda, inkastoo ay jiraan waliba wajiya kale oo fasiraad lid ku ah ka qaba qodob walba. Waxayna kala yihiin kuwan soo socda.

1- Dacwad salka ku haysa; Ma dagaal umbaan wadeynaa.
2- Mid odhanaysa; Itobiya waxaaba nooga daran qolyahan dariska ah.
3- Mid kale oo ah; Itoobiya in naloo dhaafo maba ahayn.
4- Iyo qaar leh; Ma ogola ONLF in lala taliyo.
5- Waxaa kaloo soo noq-noqda; ONLF maantana waxay dileen ninkii hebel ahaa

Qodobadaa marka mid walba sidiisa loo taxliiliyo, waxaa qofka garaadka iyo aqoonta leh uu ogaanayaa inay salka ku hayaan sidii laga filayay ONLF oy noqon weyday un. Bal hadda aan mid mid u eegno.

1- Ma dagaal umbaan wadeynaa

Shacabka Somaliyeed meel ay dagaanba 90% in ka badan waa dad dhaqan nololeedkoodu uu ku xidhan yahay reer-guuraanimo (Nomadic culture). Astaamaha dhaqanka reer-guuraagana waxaa ugu mudan inuusan ku nagaanin meel maadaama ay noloshiisa ku xidhan tahay cimilada inuu daba socdo. Go’aankiisa dag-dagga ah marka ay dhibaato ka hortimaadona waa inaga kexeeya meesha. Xoriyadda shaqsiga qofka reer-guuraaga waa qayb ka mid ah noloshiisa sida duurjoogta. Hasa ahaatee inuu u adkaysto dhibka ka sokeeya siduu u soo ceshan lahaa xoriyadiisa shaqsiga ah haduu waayo waxaa uga sahlan inuu ka guuro meesha lagaga qaaday xoriyadda. Dhaqanka oo sidaa ah ayay ONLF waxay la timid fikrad ka duwan midii la’isla bartay ee ahayd weerar dagdag ah oo lagu qaado gumaysiga iyo dib u garasho dagdag ah markuu is-dhariijiyo gumaysiga. Waxay la timid ONLF halku-dhigga ah in la –Mintido- oo aan goobta dagaalka loo banaynin gumaysiga oo loo adkaysto dhibaatada halganka. Waxay la timid in lagu mintido hadafkii ahaa xoriyadda oo aan gumaysiga laga siisanin sandaleelo been ah. Hadaba qofkastoo sugayay natiijo dagdag ah, oo u diyaarsanaa dib u gurashadii la’isla bartay, saaxada ayuu si dagdag ah uga baxay, wuxuuna bilaabay markii is-dhiibkiisii uu halgankii ku soo afjarmi waayay colaadin iyo dacaayad inuu ku furo ONLF ujeedada ka dambaysa ay labadan qodob;

A- suu naftiisa ugu qanciyo inuu ku saxsanaa is-dhiibidiisii.
B- ka dibna wuxuu ku dadaalay inuu u helo taaggerayaal badan saaxada is-dhiibka.

Waxaa kooxdan ka soo horjeeda qaar iyaguna leh – Dalka ma kaligiinbaa leh – oo u arka dagaalka gobanimadoon ee ONLF ay ku jirto inuu la mid yahay dalka aniga kaligeen ayaa leh. Dhiiga u daadanaya sharafta umadda iyo iska caabinta gumaysiga uma muuqato, wuxuuna sii odorasayaa qofkaasi haduu dalka xoroobo isagoo aan far u dahqaajin ama gumaysigaba la socda waxa uu noqonayo masiirkiisa? Wuxuu ku qancinayaa damiirkiisa in ONLF ay u dagaalamayso dalka inay kaligeed sheegato, sidaa ayuuna uga soo horjeedaa halganka ONLF ee dhibka badan.

2- Itobiya waxaaba nooga daran qolyahan dariska ah

Somalida dhamaan dhaq-dhaqaaqooda siyaasi wuxuu ku dhisnaa 30kii sanee ugu dambeeyay qabiil. Inkastoo magaca –Somali- uu ka wada horeeyo ururadii siyaasiga ahaa ee mucaaradka ku ahaa xukuumadii M. Siyaad Barre (SSDF, SNM, SPM, USC iwm) hadana mid walba qabiil ayuu u aanaysnaa, oo xataa marka la yidhaahdo waa qof SNM ama USC ama SSDF ah ay tahay in loola jeedo waa reer hebel. Ururka u dhisan qabiil wuxuu leeyahay astaamo lagu garto, waxaan ugu mudan inuusan ururkaasi lahayn himilooyin dhaafsan inuu qabiilkiisa gaadhsiiyo hadafka ay hiigsanayaan. Wuxuuna ururkaasi diyaar u yahay inuu kala kaashado gadhitaanka hadafka qabiilkiisa quwad kasta oo u suurta galinaysa. Hadafka ONLF marka loo aaneeyay qabiilka ka bilowday xarafka horee –O- waxay ahayd inuu u tasarufo sidaa oo danaha qabiilkaa uu ka shaqeeyo, farahana kala boxo danta guud ee xoreynta dalka ee umadoo idil ay ahayd inay isugu taagto, gaar ahaan markii ay Itobiya dhibaato aan la koobi karin u gaysatay qabiilkii, oo waliba qabiilo kale kula gorgortantameen gumaysigii Itobiya inay dhibaato u gaystaan qabiilka loo aaneynayo ONLF si danaha qabiilladooda ay uga fushadaan Itobiya. Hasa ahaatee markii ay ONLF hadafkeedii ahaa Xoreynta (Liberation) uga leexan weyday daryeel qabiil, isla markaana dhibaatada gumaysiga uu ku hayo shacabka qaarkii uu ku keeni waayay jabhadda burbur siyaasi, waxaa colaad u qaaday kuwii sidaa doonayay ee la qorsheeyay gumaysiga dhibaatada uu ku hayo shacabka iyo kuwii bukaanka qabiilka aan ka bogsoonin.

3- Itoobiya in naloo sii dhaafo ma’ahayn

Ururada Somaliyeed mid walba xidhiidh soke ayuu la yeeshay Itobiya;

o Si urukaasi uu taageero siyaasi, ciidan, dhaqaale uga helo Itobiya.
o Si qabiilka looga badbaadiyo dhibka ay Itobiya u gaysan karto ama uu u gaysan karo qabiilka dariska la’ah haddii Itobiya ay ku soo hubayso ama in aanay Itobiya uga hiilin qabiilka kalee uu looltanka siyaasadeed ka dhexeeyo.

Waxaa laga filayay ONLF-na markay Itobiya noqotay awoodda ka jirta Geeska Afrika inay duuduubto himiladii Xoriyadda oy ogolaato gumaysiga Itobiya iyo inay hoos-tagaan EPRDF oo u heelan inay ONLF ka mid noqoto ururada ay ku shaqaystaan Wayaanaha ee Itobiya ay ka dhoodhoobeen. Ka dibna ONLF oo wadata qabiil ay la dagaalamaan qabiilada dariska la ah ee ka galay eeda ONLF, oo sidaa ay isugu hubayso xagga iyo xagaba. Hasa ahaatee siyaasiyiintii ONLF kuma aanay dhicin godka uu gumaysiga u qoday ee shacabkii Somaaliyeed ay ku wada daateen. Waxay Itobiya doonaysay in xabadda ONLF laga jeediyo iyada oo loo jeediyo qabiilada dariska la’ah. Hasa ahaatee markay arintaasi u suurtagali weyday gumaysiga, oo ONLF ay ka tanaasuli weyday hadafkii Xoriyadda, waxaa loo adeegsaday kuwii aaminsanaa fikradaa inay dacaayad iyo colaadin ku furaan ONLF, cinwaano badanna loo sameeyay hasa ahaatee ku wada biyashubanaya – Aan isdhiibno oo yaan Itobiya nalaga xigsanin.

4- Ma ogola ONLF in lala taliyo.

Nidaamka qabiilka iyo midka ururnimo meelaha ay iska diidaan waxaa ugu horeeya habka wada tashiga. Qabiilka laguma soo galo mabda’a iyo xeer ka mid noqosho sida ururada siyaasiga ah, qofkastana wuxuu xaq ugu leeyahay inuu danta qabiilkiisa ka taliyo haduuba fadhiyo goobta lagu tashanayo, meesha ururka uu leeyahay qaab nidaam ah oy ku wada tashadaan taladana ay isugu gudbiyaan. Sidaan qodobada hore ku soo tilmaanay caqliga shaqsiga Somaliga ah waxaa ku qafilan in urur walba uu qabiil yahay, sidaa darteed waxay filayeen in ONLF-na ku dhaqanto caqliyadii qabiilka (Tribal mentality) ee loo sinaa wada tashiga, oo dhalashada lagu soo galayay xaquuq iyo waajibaadba. Waxaa iska horyimid dareenkii qabiilka oo dhibka haysta uu u muuqdo iyo dareenkii ururka ee ku dhiirigalinayay dadweynaha in loo adkayst dhibka ka sokeeya hanashada Xoriyadda. Midkii danaha qabiilka ay u muuqatay wuxuu doonayaa in lala tashado isagoo ku hubaysan inuu soo ururiyo dhibaatada uu guamsyiga ku hayo dadka shacabka ah, wuxuuna rabaa in la maro wadada ay mareen qabiilada kale oy kaga badbaadiyeen dhibaatada Itobiya. Waxaa halkaa ka soo baxay laba fikrad oo ku kala salaysan Ururnimo iyo Qabiil oon lahayn meel ay ku kulmaan. Urur leh nidaam iyo xeer oo aaminsan inuu guusha gobanimada ku gaadhayo adkaysi iyo mintidnimo iyo Qabiil leh dana u gaar ah oon ogolayn dan guud inuu qofkiis ah uga dhinto.

5- ONLF maantana waxay dileen ninkii hebel ahaa

Muran kama joogo in dagaalka ka socda Ogadenya uusan ahayn mid ay bilowday jabhadda ONLF. Waa dagaal ku bilowday iska cabin ka dibna isu badalay mid gobanimadoon oo bilowday waqtigii ay boqortooyada Abisiinya u soo dhaqaaqday inay qabsato oy gumaysato shucuubtii dariska la’ahaa oy ka mid ahaayeen Somalida Ogadenya. Sidaa darteed, dagaalka hadda socda, waa mid u dhexeeya dawlad u soo dhaqaaday gumaysi iyo shacab gobanimadoon ah oo dalkiisii ka difaacaya. Labada quwadood ee goobta dagaalka isku horfadhiya – ciidanka dawladda gumaysiga ah iyo ciidanka shacabka gobanimadoonka ah – waxay u baahan yihiin taageerada shacabka. Ciidamada dawladda gumaysiga ah waxay shacabka ku kasbataa xoog iyo cabsi galin, meesha ciidanka shacabka gobanimadoonka ah uu yahay mid ku dhisan rabitaanka shacabka iyo taageeradiisa. Suu u kala jaro xidhiidhka u dhexeeya ciidanka gobanimadoonka ah iyo shacabka wuxuu adeegsadaa gumaysiga qaar ka mid ah muwaadiniinta oo siyaabo kala duwan uu u kasbaday. Marxalada kala duwan ayay soo maraan kooxaha uu adeegsanayo gumaysiga ilaa ay ka noqdaan ciidan rasmi ah oo ka garab dagaalamaya ciidanka gumaysiga oo isu arka dambiyada ay bulshada ka galeen darteed inay noloshooda iyo masiirkoodaba uu ku xidhan yahay joogitaanka gumaysiga. Arinta noocan ah waa mid ay ka siman yihiin shucuubta la gumaysto ee halgan gobanimadoon la gashay gumaysiga.

Hasa ahaatee, qabiilka wuxuu leeyahay dhaqamadiisa u gaarka ah. Waxaana ka mid ah inuu shaqsiga ka mid yahay qabiilkiisa oo aan laga saari karin dambi kasta haka galo bulshada ama qabiilka qudhiisa haka galo. Sidaa darteed qabiilka uu ka dhashay qofka ma qiimaynayo hadii la dilo shaqsigooda sababta loo dilay, warbixinta la siinayo reerka intiisa kalena waa un – ninkii hebel ahaa waa la dilay -. Sidaa darteed ayay Somalida ugu maahmaahday –Tuuga hala dilee reerkii uu ka dhashay yaa dhex mari – taasoo loola jeedo tuuga dadka dhibay ee bulshada ay isku afgaratay in la’iska qabto, sidee looga badaabdi qabiilkii uu ka dhashay hadii lagu heshiiyo in la’iska dilo.

Dhaqankii qabiilka iyo waxaa iska hor yimid sida muuqata baahidii halganka shacabka ee ahayd in la’iska qabto jaasuuska iyo uu ciidanka gumaysiga soo hawl-galiyo ee dagaalka kula jira naftood-hurayaasha, sababtoo ah qabiilka ma ogola in dadkiisa la taabto dambi kastoo uu ka galo bulshado.

Gumaysiga Itobiya isagoo yaqaana dhaqanka Somalida ee qabiilka ku dhisan ayuu wuxuu dagaalka ku soo qasbaa oo waliba hab ah inay ku soo dhintaan u soo dagaal galiyaa shacabka agtiisa jooga. Xataa wararka dhabta ah ee la sheegay waxaa ka mid ah in qofkii ka soo badbaada goobta dagaalka marka ay jabhadda iska horyimaadaan ee laga xoog roonaado inuu gumaysiga ciqaabo ama toogtaba iyadoo dambiga uu galay ay tahay maxaad u soo dhiman wayday sida kuw kale.

Su’aasha la’is weydiin karo ayaa waxay tahay Malaga badbaadi karaa arintaa? Jawaabto waa maya. Sababtoo ah inta uu halgan socdo oo gumaysiga lala dagaalamyo lama weynayo qaar gumaysiga u adeegaya iyo qaar uu gumaysiga ku soo qasbo goobaha dagaalka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay