Guud ahaan wadanka Ogaadeeniya waxaa ka Socda Dagaalo Xoogan oo u dhaxeeyay Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ee ay Hormoodka u tahay Jabhada  Wadaniga Xoreynta Ogaden iyo Xukuumada Gumeysiga  Ethiopia  ay Horjoogaha  u tahay  Jabhada TPLF.

Ciidamada  Ethiopia  ayaa  waxa  ay Miciin Bidaan  Marka Lagaga  adkaado  Goobaha  Dagaalka ee ay Isku Farasaaraan iyaga iyo Geesiyada  Xoreynta Ogaadeeniya  inay ka Aar Goostaan dadka Shacabka Biri Magaydada ah ee Soomaalida Ogadenia.

Magaalada  Ferfer oo kamid  ah Dagmooyinka Gobalka Shabeele  ayaa waxay Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo Adeeg sanaya  Kooxda  iyaga u shaqeeysa ee gumaysi kal kaalka ah  waxay Xidh Xidheen Dad aad u Tiro  badan .

Qaar kamid ah dadkaas oo ay na soo gaadheen Magac yadoodu ayaa waxay kala Yihiin Sidan Hoos ku Qoran.

1-Abdi Frax Mahdi

2-Badal Abdi Mataan

3- Nuur Isniin.

4-Saalax Bashiir.

5-Abdiqani Mahmed Ismaaciil.

6- Mahamed Duceeye.

7- Anwar Carab

8- Saciid Abdikariin.

9- Afjarbo Mahamed.

10-Carabey.

11- Ibraahim Abdi Wali

12-Abdiwahaab Abkey Qaasin

13 iyo Wali Bacaliqe.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay