Dhamaan bulshadda Gumaysi-diidka ah, gaar ahaan Jaaliyaddaha Soomaalidda Ogaadeenya, ee ku nool dalalka YURUB, waxaa la ogaysiinayaa in 19ka September 2011, uu ka dhici doono Banaanbax lagga soo horjeedo gumaysiga Itobiya iyo tacadiga xquuqda aadanaha ee ka socda Ogadenya. Banaabaxan wuxuu ka dhici doonaa caasimada Belgium ee Brussels, afaafka aqalka European commission-ka.

Waajibaadka saaran ayay ka mid tahay inuu goobtaa isa soo taago qofkii ka danqanaya xasuuqa lagu hayo walaladii iyo ilinta ka hooreysa gabdhaha la dhashay ee ciidanka Itobiya iyo maxaysatada uu Meles qortay ay ku fara xumeynayaan Ogadenya.

Waxaa lagu adkaynayaa kasoo qayb galayaasha inay xilliga uu bilaabanayo banaanbaxa oo ah 10ka subaxnimo ay ilaaliyaan oy goobta taagnaadaan.

Faahfaahin dheeraad ah qofkii u baahda wuxuu kala xidhiidhi karaa Telefoonka +358 4007 97849 ama mas’uulka Jaaliyada wadanka aad joogto.

Walaaladaa kaga difaac cadawga joogitaankaaga iyo codkaaga.

ONA.

 
 

1 Comment

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay