Shirwaynaha 20aad ee Jaaliyadaha Ogadenya

Oslo, 14 – 16 August, 2015

Intii u dhaxaysay 14 – 16 Agoosto, waxaa magaala madaxda wadanka Norway ee Oslo lagu qabtay shirwaynaha 20aad ee Jaaliyadaha Ogaadeenya, kaasoo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota Jaaliyaadka Ogaadenya oo ka kala yimid wadammada kala ah; UK, Switzerland, Germany, Sweden, Denmark, Maraykanka, Australia, Canada yemen, iyo Jaaliyaddii shirwaynaha martigalsay ee Norway. Shirwaynuhu wuxuu sannadkan watay hal-ku-dhegga ah “Han sare iyo Higsiga xorriyada”.

Shirwaynaha waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuliyiin sar-sare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) oo uu horkacayay guddoomiyaha Jabhadda Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay abwaaniin iyo fannaaniin ay horkacayso Kooxda Fanka iyo Suugaanta Ogaadeenya.

Waxaa shirwaynaha marti u ahaa siyaasiyiin soomaaliyeed oo ka tirsan xisbiyada waddanka Norway iyo waliba dhalinyaro iyo aqoonyahanno soomaaliyeed oo iyaguna ka yimid qaar ka mid ah wadammada Yurub.

Shirwaynaha waxaa lagu gorfeeyay ajandayaal muhiim ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Ogaadeenya, gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa halganka Ogaadeenya ee lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya, isla markaana loo taageeri lahaa shacbiga dulman ee Ogaadeenya iyo sidii loo horumarin lahaa  nolosha Somalida  Ogadenia ee dalalka dibedda ku soo qaxay.

Markii si mug leh loo falanqeeyay ajandayaashii shirwaynaha la soo hordhigay, isla markaana la qiimeeyay xaaladaha kajia gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba,wuxuu shirweynuhu soo saaray qodobadan soo socda:

  1. In la xoojiyo abaabulka, wacyigalinta iyo isku xidhnaanta bulshada, iyadoo la racayo qorshayaasha iyo barnaamijyada u degsan Jaaliyadaha Ogaadeenya.
  2. In la kordhiyo wax-soo-saarka iyo aqoonta bulshada Ogaadeenya ee ku dhaqan wadammada kala duwan ee adduunka, iyadoo loo marayo qaababka casriga ah ee dhaqaalaha iyo aqoonta lagu kordhin karo.
  3. In la xoojiyo xidhiidhka lala leeyahay shucuubta adduunka.
  4. In la abuuro barnaamijyo samafal oo wax loogu qabanayo dadka uu gumaysigu waxyeeleeyay ee ku sugan gudaha Ogaadeenya iyo dibaddiisaba.
  5. In la xoojiyo oo la tayeeyo warbaahinta u adeegta halganka Ogaadeenya.
  6. Shirwaynuhu wuxuu dhiirri galiyay in la maro waddo kasta oo suuragal ah oo xal waara oo caadil ah loogu heli karo dhibaatada Ogaadeenya iyo xaqooda aaya-katashiga.
  7. Shirwaynuhu wuxuu bulshada Soomaalida Ogaadeenya ee dibadaha ku dhaqan ku boorriyay inay ka qayb qaataan horumarinta bulshada iyo nabadgelyo ku wada-noolaanshaha dalalka ay ku nool yihiin, isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta daggenaanshaha iyo xasilloonida wadammada ay ku nool yihiin.

8-Shirweynaha waxaa si buuxda la iskugu raacay  laguna  go,aamiyey in shirweynaha 21aad ee jaaliyadaha Ogadenya lagu qaban doono haduu eebe idmo dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapulis ee gobolka Minnesota.

Baaq

  1. Shirwaynuhu wuxuu ku baaqayaa in CWXO ay dadaalkooda sii kordhiyaan, isagoo aad ugu qanacsan kartidooda iyo wax-qabadkooda ee sida mitidnimada ah ugu babac-dhigay ciidammada gumaysiga Itoobiya, si ay u difaacaan diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba.
  2. Shirwaynuhu wuxuu dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ku dhiirri galiyay inay dadaalkooda sii labanlaabaan, si loo fashiliyo siyaasadaha cabudhiska ah ee gumaysiga.
  3. Shirwaynuhu wuxuu ugu baaqay xisbiyada iyo kooxaha mucaaradka Itoobiya ee aaminsan xaqa dadyowga ku hoos dulman gumaysiga Itoobiya, inay u midoobaan oo ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa taliska Addis Ababa.
  4. Shirwaynuhu wuxuu ummada soomaaliyeed ugu baaqayaa inay ka digtoonaadaan dabinnada gumaysigu u dhigayo ee uu qaranimadooda ku baabi,inayo, isla markaana ay u hiiliyaan walaalahooda soomaalida Ogadenya ee gumaysiga Itoobiya ka soo horjeeda.
  5. Shirwaynuhu wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa inayna indhaha ka daboolanin gabood fallada uu gumaysiga u gaysanayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.

 

Canbaarayn

Shirwaynuhu wuxuu canbaaraynayaa;

  1. Shirwaynuhu waxuu canbaaraynayaa falalka bahalnimada ah ee uu gumaysiga itobiya kula kacayo shacabka Somalida Ogadenia.
  2. Shirwaynuhu waxuu canbaraynaya Mamullada ka jira Somalia ee u adeega danaha iyo siyasada itoobiya.
  3. Shirwaynuhu waxaa kale oo uu canbaraynayaa shirkadaha shidaalka ee gumaysiga Itoobiya heshiiska kula galay in ay shidaal ka badhaan ama kasoo saaraan Ogadeniya kuwaasoo wada qosheyaal ay deegaanka ku wax yeelaynayaan, isla markana ku bara kicinayan dadka ku dhan deegaanada ay shidaalka ka badhayaan.
  4. Shirwaynuhu waxuu canbaaraynayaa wadamada iyo ururada gumaysiga Itoobiya ku taageeraya in uu ku xad gudbo xuquuqda dadyowga ku hoos dulman gar,ahaan shacbiga Somalida Ogadeniya

Dhamaad

Oslo, Norway

August 16, 2015

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay