Waxaa warbaahinta qaarkeed lagu soo nashriyay muuqaal kusaabsan guri lasheegay inuu magaalada Addiss Ababa ka dhistay ninka ugu sareeya Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee dulmiga iyo xaqdarada kujooga wadanka Ogadenya General Abraham Woldemariam.

General Abraham oo heerka tacliintiisu aad uhoosayso isagoo waxbarashada kagaadhay fasalka sadaxaad ayaa maanta wuxuu kamid yahay hantiileyaasha Gumaysiga Itoobiya ugu hantida badan. Hantidan uu gurigan qaaliga ah ee magaalada Addiss Ababa uu kadhistay ayaa kamid ah xoolihii shacabka Somalida Ogadenya uu ka boobay ee sida dulmiga ah looga dhacay bulshada rayadka ah ee Ogadenya. Ciidanka Wayaanaha ee Abraham Wolde ka amarqaata ayaa dhibaatooyin badan kagaystay wadanka Ogadenya.

Abraham Wolde oon aqoon iyo cilmi uu dhaqaale intaas le’eg ku shaqaysto lahayn ayaa maanta wuxuu ku leeyahay wadanka Ogadenya shirkado waawayn oo hawlo badan oo isaga ugaar ah ku hawlan. Saraakiisha Wayaanaha ayaa hanti aad ubadan ka musuqay guud ahaan shucuubta Itoobiya gaar ahaan shacabka Somalida Ogadenya. Hantidan oo inteedii badnayd ay ku maalgashadeen wadamada reer galbeedka ayaa fajac iyo filansho waa kunoqotay dadka arimaha Itoobiya aqoonta u leh.

 

ONA

Guriga Ab4raham

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay