Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee
JWXO ayaa ka warbixinaya labo dagaal oo kadhacay Gobalka Jarar ee
dhulka Ogadenia. Dagaaladan oo kadhacay deegaanada Wartimire iyo dayr
ayaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay dhibaatooyin aad u badan oo
naf iyo maalba isugu jira waxaana dagaaladaas laga dareemay guud ahaan
Gobolka Jarar gaar ahaan xarunta Gobolka Ee Dhagaxbuur. Howl galadan
oo ay si cajiib ah u fuliyeen CWXO ayaa udhacay sidan.17/8/15 Wartimire oo Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar
katirsan dagaal ku dhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka
cadawga lagaga dilay inta lahubo 10 askari 14 kalana waa lagaga
dhaawacay.

19/8/15 Dayr oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan weerar culus
oo ay ciidanka JWXO kuqaadeen ciidamada wayaanaha oo halkaas
dhibaatooyin laxaad leh kawaday waxay ku fashiliyeen dhamaan
howlgalkii ciidanka gumaysiga ee aagaas waxayna cagta mariyeen
ciidankii wayaanaha ee dadka shacabka ah gumaadkooda ujoogay halkaas
waxaana ciidanka cadawga goobta kaga bakhtiday 19 askari 20 kalana
waxaa soogaadhay dhaawacyo kala duwan oo qaar halis yahay. Sidoo kale
waxaa laga furtay hub iyo saanad milatari oo fara badan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay