Meel aan fadhinay ayaan kaga sheekeeyay wixii ka dhacay Rwanda iyo sida shacabkii wada daganaa la’isugu diray ka dibna xasuuq aan la arag loogu sameeyay shacabkii Tutsi-ga. Markaan arimahaa ka sheekeeyay ayuu oday reer Fiiqeed ah oo dhagaysanayay wuxuu yidhi; waalan“Ma taqaanaa qisadiisa ninkan waalan ee magaalada dhex socda ee la yidhaahdo Cabdi gaab?” Ninkii noogu yaqiinay ayaa yidhi wuxuu ahaan jiray gudoomiyaha Fiiq. Halkaa ayuu odaygii ka bilaabay taariikhda ninkaa. Cabdi gaab wuxuu ku dhashay tuulo Holac la yidhaahdo oo magaalada Fiiq u jirta 25km. Wuxuu ahaa macalin dugsi quraan. Sanadkii 2007dii ayaa laga dhigay macallin school wuxuuna dhigi jiray af-soomaaliga. Sanadkii 2008 ayaa laga dhigay gudoomiyaha gobolka Nogob. Cabdi gaab wuxuu isla markiiba bilaabay gacan kulul inuu kula dhaqmo shacabkii daganaa 8da degmo ee gobolkaa, isagoon u kala aaba yeelin sheikh, hooyo, caruur, oday, aqoonyahan, waxaan ka ahayn askarta Itobiya ee gobolka joogta. Dhacdadii ugu xumayd een goobjooga ka ahaa waxay ahayd markuu walaalkii oy isku hooyo iyo aabo yihiin uusoo qabtay oo askartii Itobiya u dhiibay isagoo leh waa –cell- uu ula jeedo waa xubnaha ONLF taageera ee hala toogto. Askartii ayaa baadhay ka dibna ku yidhi anago dili maynee adigu toogo hadaad rabto. Wuxuu la tagay meel magaalada Fiiq u jirta dhowr kilometer oon xabadda laga maqlaynin, halkii ayuuna ku toogtay. Gabadh adhi la joogta aragtay maydkiisa oo tukuhu faqanayo oo soo sheegtay. Halkii ayaa laga orday oo lasoo qaaday maydkii wiilka oo la’isugu yimid si loo aaso. 5an neef oo adhi ahna waa lasoo qabtay oo lagu asko. Cabdi gaab markuu arintii maqlay isla markiiba wuxuu soo saartay qabaal dhowr hawaarin ah. Adhigii oo markaa la qawracay ayuu soo dul yimid oo askartii amar ku siiyay inay laagta fiiq ku tuuran, ka dibna xertii quraanka inay akhriyaan loogu yeedhay ayuu feedha iyo laad kala daalay, wuxuuna amar ku bixiyay ninkii meesha lagu arko inuu yahay xubaysane oo loola jeedo ONLF. Hooyadii oo ku barooratay iyadiina wuxuu u sheegay inuu iyadana raacinayo hadday hadalka sii wadwado. Waxaa kaloo ka mid ahaa arimaha uu samayn jiray ninkaa, inuu gabadhii ishiisu qabato uu yidhaahdo aan kula sheekaysto oo haday gabadhaa yarehe diidouu xabsi dheer u diro. Waxaa kaloo dhacday inuu odayaasha shaxda ciyaaraya uu dhaho waxay u faalin hayaan ONLF oo qof shax ciyaara laga waayay Fiiq.

Sidaa loo adeegsaday Cabdi gaab iyo kuwa la mid ah, umbaa Rwanda-na loo adeegsaday gudoomiyayaasha degmooyinka iyagoo la faray inay laayaan qofkasta oo Tutsi ah oo jooga degmadooda.

hidden genocideOgadenya waxaa ka dhacay 10kii sanee lasoo dhaafay xasuuq aan taariikhda Geeska Afrika horey usoo marin. Markaan sidaa leeyahay ma’aha in aan dafirayno dhibkuu u gaystay Mengistu Xayle Mariam labada shacab ee Tigreega kacdoonkii TPLF, ama u gaystay shacabka Eretreeya halgankii xoriyadda dalkaa. Waxaase aad u kala duwan siyaabaha uu Mengistu ula dagaalamay shacabka Tigreega ee taageerada TPLF darteed loo laynayay iyo siyaabaha ay TPLF-tu ula dagaalamayaan shacabka Ogadenya. Dagaalka Mengistu uu ku qaaday shacabka Tigreega wuxuu ahaa dagaal ciidan dawladeed uu qaaday oo la dagaalamaya jabhadda TPLF iyo gobolkii laga taageerayay ee Tigree, meesha dagaalka ay TPLF-tu ku qaaday shacabka Ogadenya uu yahay dagaal ay inta badan ay isu adeegsatay shacabka oo dhalinyaro ay soo tababareen soona hubeeyeen oy maskaxda kasoo maydheen ay ku laayeen shacabka sida maleesiyadii Rwanda ee lamagac baxday Interahamwe ay u laayeen shacabka Tustsi. Waxaa la yaab leh, maleesiyadii Rwanda Interahamwe ee laynaysay shacabka Tustsi waxaa hogaaminayay isla nin Tustsi ah oo lagu magacaabo Robert Kajuga, sida maleesiyada ay shacabka ula baxeen Hawaarinta ee laynaysa shacabka Ogadenya ay u hogaaminayaan Ina Iley iyo kooxdiisa. Maleesiyada Rwanda ee shacabka laynaysay waxaa loo sameeyay idaacad la yidhaahdo RTLM oo shidaysay nacaybka kuna dhiiri-galinaysay dhalinyarada baangadaha wata inay laayaan shacabka, waxaana laga hogayay caasimadda Kigali, meesha kuwa Hawaarinta lagu kiciyo siyaabo kala duwan oy ka ka mid tahay ESTv iyo dhex socod, waxaana laga hogaamiyaa Herar oo uu fadhiyo jeneraal Abraha. Waxa labadaba (Rwanda iyo Ogadenya) ka fulinayay ama fulinaya laynta shacabka waxay ahaayeen ama yihiin gudoomiyayaasha degmada oo loo ballan qaaday in lagu abaalmarinayo kolba intay laayaan.

Sheekada way dheertahay, qofkii akhriya ama daawada filamada laga sameeyay maleesiyaadkii laynayay dadka Tutsi-ga ah iyo siyaabaha loo maskax rogay ayaa fahmi kara waxa kasocda Ogadenya inuu yahay xasuuq u dhigma midkii Rwanda, marka laga yimaado cadadka la dilay iyo sida loo dilay iyo sababta loo dilay oo taariikhda ay xusi doonto.

Xasuuqii ka dhacay Rwanda guul uma keenin, ugu damabyntiina waa laga guulaystay gacan-ku-dhiiglayaashii oo qaarkood lasoo taagay maxkamadda ICC. Sidaan maqaalkii hore kusoo sheegnayna xasuuqa ka socda Ogadenya ujeedadii laga lahaa waxaa fashiliyay gacan-ku-dhiiglayaasha Cabdi iley iyo Abraha wolde, taasoon ku sii sharxi doono qaybaha dambe ee la soco.

Noora Afgaab/Jigjiga

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay