Umadii ku jirta gumaysi waxaa la gudboon halgan. Waa xeer caalami ah oo aan laga horjoogsan karin umadii u dhaqaaqda. Halganna wuxuu u baahan yahay halgamaa daacad ah. Xidhiidhka ka dhexeeya labadaa, halgan iyo halgamaa, waxaan ku tilmaami karnaa mid u dhiganta xidhiidhka ka dhexeeya jidhka iyo ruuxda ku jirta. Sida jidhka aanu u noolaan karin naf la’aan, naftuna aanay dunidan u dul joogi karin jidh la’aan, ayuuna halgan u socon karin halgamaa daacad ah la’aantii, halgamaaguna u ugu noolaan karin dunida isagoon xoriyada umadiisa u halgamaynin.

Sidaa darteed, inuu halgamaaga naftiisa u xakameeyo halganka waa astaamaha muujinaya inuu guusha gaarayo hadii uu la yimaado adkaysigii looga baahnaa.

 Wadada xoriyadda loo maro waa halgan uu hogaaminayo halgamaa daacada ah. Lagumana arag dunida gumaysi looga xoroobay halgan la’aan, sababtoo ah xoriyadda waa la raadsadaa oo loo dhintaa ee abaal ahaan la’isuma siiyo.

  In shacab laga taagroon yahay la adoonsado, khayraadka dhulkoodana la qaato waxay ahayd arin caadi ah oo aan lala yaabi jirin waayadii hore, maadaama aanay jirin xuduudo la tixgalyo iyo qawaaniin dawli ah oo shucuubta caalamka kala daw-siisa. Hadda oo la marayo qarnigii 21aad waxaa noqotay arin lala yaabo oo ceeb ah inuu jiro shacab wili gun ah oon ka xoroobin gumaysigii la soo maray. Sidaa darteed ayay shucuubta ku hadhay gumaysi sabab kasta ha ugu hadheene, ay isaga maydhaan ceebtaas inay halgan hubaysan wadaan inta ay la mid noqonayaan shucuubta caalamka ee xorta ah, mana ogolaadaan inuu gumaysiga nabad ku dhex joogo dalkooda.

 Waxaa maanta ku hadhay gumaysi shucuub si gaar ah loo dulmay oo xaqooda loo duudsiyay kuwaas ayaynu ka mid nahay. Shucuubtaa la dulmay ee ku hadhay gumaysiga intooda badan waxay wadaan halgan hubaysan. Shacabka Shiishaan ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa oo dunida ka fajiciyay markii iyagoon dhamayn 2ba milyan ay diideen inay isu dhiibaan gumaysiga Ruushka oo ah quwadda 2aad ee caalamka. Sidoo kale reer Falastiin ayaa iyagana tusaale loo soo qaadan karaa sababtoo ah waxay sugeen jiritaankooda waxayna diideen inay ku milmaan dadweynaha carbeed ay wada dhasheen markii xeryaha qaxootiga looga waabay dalalkooda. Waxay ishortaageen rabitaankii Israaiil oo aad isku dhabar-jabisay inay aasto qadiyadooda. Waxaa xusuusta caalamka ku jirta jawaabtii ay bixisay ra’iisal wasaaradii Yahuuda Golda Ma’iir ee jabisay ciidamadii 3ex dal oo carbeed 1967dii markii la weydiiyay arinta reer falastiin. Waxay ku jawaabtay iyadoo muujinaysa inay la yaaban tahay su’aasha – ma waxaa jira dad falastiin la yidhaahdo? Taasoy ola jeeday waan soo afjarnay qadiyaddaa. Kacdoonkii ka dhashay jawaabtii ay bixisay Golda Maier  wuxuu dhaliyay in Israa’iil ugu dambayntii ay aqoonsato qadiyadda reer Falastiin oy maanta gorgortan kula jirto in dalka loo qaybiiyo.

 Umad gumaysi ku jirta, waxaa u muuqda oo kali ah xaqnimada qadiyadooda waxayna ku kalsoon yihiin in ugu dambaynta uu xaqqa ka guulaysan doono baadilka. Waxaan ka dharagsanahay inay Itoobiya aad ugu dadaashay inay qadiyada Ogadenya ka shalwiso meel fog, oy ku dhex lumiso go’aankii OAU-da ee ahaa in xuduudaha dalalka afrika loo daayo siduu kaga tagay gumaysigii Yurub. Itoobiya oo la ogyahay in ay fadhiday madashii lagu qaybsaday Afrika, markii ay dalalkii Yurub dib ugu noqdeen qaaradii ay ka soo duuleen, iyadu dib uguma noqon buurihii ay ka soo daadagtaye, waxay fadhiisatay Adisababa waxayna u fasirtay go’aankii OAU-da ee ahaa in xuduudaha loo daayo siduu uga tagay gumaysigii reer Yurub inay dhaxal u heshay dalka iyo dadka Ogadenya.

 Gumaysatada Itobiya waxay isku qanciyeen inay tahay Jamhuuriyaddii Somaliya midda ka dambaysay kacdoonada isdaba jooga ah ee dadweynaha Ogadenya. Itobiya iyagoo ka duulaysa aragtidaa oo aaminsan inay Jamhuuriyadda Somaliya tahay caqabadda ka hortaagan inay qaadato dalka Ogadenya, ayay aad xooga u saartey Itobiya siday u burburin lahayd qarankii Somaliyeed. Waxay iska dhaadhicisay Itobiya in sidaa oo kali ah ay ku xalaalysan karaan wadanka balaadhan ee Ogadenya. Waa tii Mingisto markii la weydiiyay waxyaabihii uu Itobiya u qabtay, ku jawaabay – shacabka Itobiya ha ii dhisaan taalo sababtoo ah waxaan burburiyay cadawgoodii Somaliya oon dib dambe xabad looga soo ridi doonin dhanka Somaliya. Ma’aanu ku xisaabtamin Mingisto iyo Wayaanihii ka dambeeyeyba inay jiraan wadanka dadkii lahaa oo ay qadiyadooda u kici doonaan iyagoo ku tashanaya taageerada Ilaahay ka sokow, awooda iyo taageerada shacabkooda.

 Waxay filaysay Itobiya, mar haddii ay kala tuurtay qarankii Somaliyeed, oo Somalinimadii ay ku badashay qabiil iyo gobolaysi, inay dadweynaha S.Ogadenyana la mid noqonayaan heerkan aadka u hooseeya ee siyaasiyiintii Somaliyeed qaarkood ay gaareen oo ah in looga taliyo intooda badan xerada gumaysiga ee ku taala Godey. Waxay filaysay Itobiya inay dadweynaha Ogadenya noqon doonaan shaqaalaha u xaadha wadooyinka Addisababa, maadaama ay waayeen hoteeladii Xamar ay dhex fadhin jireen.

 Marnaba meesha ma’aanay soo dhigan gumaysiga Itobiya in shacabka Somalida Ogadenya iyagoon laga taakulaynayn Muqdisho ay 20tan sano halgan hubaysan wadi doonaan. Kaligii taliye Zinawi markuu weerarka ku ekeeyay fadhiisamadii jabhadda ONLF, oo madaxdii iyo duqaydii taageersanayd xoriyadana uu laaynayay 1996dii wuxuu ku talagalay inaysan la dhaafin halganka shacabka Ogadenya dhawr bilood. Waxaase ka horyimid halgan ku hubaysan mintidnimo oo ka shidaal qaadanaya halganadii caalamka xoroobay ay soo mareen. Waxaa hubaal ah inuu xal kale baadi goobi lahaa KT Zinawi, hadduu ogyahay inay arinta sidan ku dambayn doonto oo maanta oo xukuukiisii burbur qarka u saaran uu badbaadin lahaa.

 Waxaa soo afjarmay waayadii la odhan jaray kacdoonka Ogadenya waa maalmaha hore ee weerarka la yahay, ka dibna marka uu gumaysiga is-dhariijiyo iyagaa kala tagi doona.                

 Waxay sugeen shacabka Somalida Ogadenya in halgan gobanima-doon sahacab ku jira uusan u dabcin marnaba duruufaha ku xeeran ee lagu cabsi galiyo halgamaaga, halku dhigooduna uu noqday – guul gobanimo ama geeri sharaf leh –

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay