Maanta ooy taariikhdu kubeegnayd 23/8/15 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab laga xusay sanadguuradii 31aad ee kasoo wareegtay dhalashadii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia.

Xafladan oo ahayd mid siwayn loosoo agaasimay ayaa bilaabataya 10:00 subaxnimo xiliga Africa da bari waxaana furay gudoomiyaha faraca Midnimo ee kadhisan xerada Dhagaxlay mudane Cabdulaahi Cabdi oo si ay daganaan iyo kalsooni kujirto usoodhaweeyay dadwaynihii faraha badnaa ee goobta isuguyimid wuxuuna gudoomiyihi umahad celiyay dhamaan bulshadii xaflada kasoo qayb gashay oo isugu jirtay xubnaha jabhada, taageerayaasha jabhada iyo madaxda xerada Dhagaxlay,

Sidoo kale waxaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi baliiq ah oo sifiican loosoo diyaariyay dadwaynihiina dhaxantii lagaga kiciyay. Intaas kadib waxaa lagudagalay xafladii oo lagu furay heesta calanka ogadenia ooy si diiran uqaadeen kooxda Hilaac oo looga bartay ineey soobandhigaan suugaanta halganka. Waxaa goobta laga akhriyay taariikhda halganka ay JWXO hogaaminayso iyo halgamadii hore ee shacabku soomareenba laga soobilaabo iimaam Axmad Guray, Daraawiishtii, Xisbigii Nasrulaahi, Jabhada WSLF iyo kan manta socda oo noqday halgankii ugu dheeraa oo maanta 31 jirsaday.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay Abwaan Axmad Sh Cali Heelaale oo sidiiran sacab iyo sawaxan loogu soodhaweeyay wuxuuna abwaanku ooda kaqaaday Gabay lamagac baxay QAAFLAY GARDARO oo ahaa gabay digasho ah oo uu kujeesjeesayay quwada shisheeye ee gumaysiga ufara godayay markastoo laga itaal roonaado wuxuuna carabka qulalayay shiinaha oo hada garabka iyo gacantaba wada xukuumada gumaysiga Itoobiya wuxuuna abwaanku maanta ahaa mid aad ugu dhiiran erayada uu adeegsanayo xamaasad aad ubadana ay kamuuqatay.

Dhanka kale maamulka xerada oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha xerada Dhagaxlay Cabdulaahi Geedi oo si kal iyo laab ah xerada ugu soo dhaweeyay qoxootiga Soomaalida Ogadenia isagoo xusay ineey hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin dadka ree Ogadenia ee Dhagaxlay kudhaqan sidoo kale gudoomiyaha oo kudhashay wadanka Soomaaliya ayaa silama filaan ah u qeexay magaca Ogadenia wuxuuna dhalintii iyo dadwaynihiiba usheegay xiliga uu magacan baxay iyo sababta loobixiyay iyo waliba cida bixisay wuxuuna qeexay in uu magacan yahay midka kaliya ee manta lagu baadi goobi karo dhulka maqan ee gacanta gumaysiga kujira.

Waxaa lagu soodhaweeyay qaa kamid ah section leaders xerada iyo gudoomiyay yaasha block yada oo si isku mid ah utaageeray halganka hubaysan ee ay wadaan dadka soomaalida ogadenia. Waxaa codbaahiyaha qabsaday Gudoomiyaha gudiga qoxootiga ogadenia ee Dhagaxlay ORCCmudane Cabdi Maxamad Gaaciye oo mahad balaadhan oo uu ujeediyay Allaah S.W kadib wuxuu si aad ah ugu mahad celiyay dowlada Kenya mas’uuliyiinta gobolka W/bai Kenya iyo maamulada deegaanada Faafi iyo Dhadhaab wuxuuna carab baabay sida loogu soo dhaweeyay wadankan iyo abaalka ay uhayaan.

Waxaa isna khadka telephone ka kaga soo qayb galay wakiilka JWXO ee bariga Africa halgame Muxumad Qombor oo salaan iyo warbixin kooban kadib bulshada ku guubaabiyay adkaysi iyo dadaal dheeri ah. Sidoo kale waxaa isna khadka isgaadhsiinta kaga soo qayb galay Hogaanka Arimaha Bulshada ee faraca Faafan ee Nairobi kadhisan halgame Qoraa Liibaan Miyir oo salaan diiran kadib bulshada usoo gudbiyay fariin uu kawaday faraca faafan iyo guubaabo dheer wuxuuna xasuusiyay ineey u adkaystaan dhibaatooyinka ay qoxootinimada iyo gumaysiguba leeyihiin inshaa allaah na ay gaadhi doonaan guusha kama dambaysta ah.

Waxaa isna khudbad taariikhi ah soo jeediyay xoghayaha OYSU ee faraca midnimo halgame Muuse Cismaan oo khudbad taariikhi ah oo guubaabo iyo taariikh isugu jirta soojeediyay isagoo dhalinta si aad ah ula hadlay. Waxaa madasha xaflada lagu soo dhaweeyay Kooxda HILAAC ee kadhisan xerada Dhagaxlay oo looga bartay suugaan halgameed oo looga maqsuuday waxayna manta soobandhigeen Gabayo, Geeraaro iyo Heeso aad udiiran oo kiciyay dhamaan dadwaynihii madasha fadhiyay waxayna goobtu noqoday NINKII DHIIGLOW DHAQAAQ.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa sinabad ah usoo gabagabowday xafladii lagu maamuusayay dhalashadii jabhada ONLF.

 

ONA Dhagaxlay.

DSC01570

DSC01569

DSC01568

DSC01557

DSC01553

DSC01549

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay