Waxaa magaalada Uitenhage ee gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Africa kadhacay xalfad balaadhan ooy soogaban qaabisay Jaaliyada Somalida Ogaadeeniya ee dalka Koonfur Africa  faraceeda ka hawlgala deegaanka PE.  Xalfadan ooy kasoo qaybgaleen boqolaal Soomaali ah oo kudhaqan deegaankaas ayaa lagusoo bandhigay Taariikh halganeedka Ogaadeeniya dhulka iyo dabeecada gayiga ee Somalida Ogaadeeniya ugaarka ah ee eebe kumanaystay.
Sidoo kale sugaan halgameed iskugu jirta gabayo iyo heeso ayeey soo abandhigeen labada Abwaan ee kala ah Abwaan Khadar Colaad iyo Abwaan Fanax. Dhanka kale waxaa xalfada hadalo taariikhi ah kasoo jeediyay Abwaano iyo wax garad kale kuwaasoo dhamaan hoosta ka xariiqay adkaysiga iyo kartida shacabka Somalida Ogaadeeniya ee 31 jirsaday ineey tahay wadadii xoriyada jidka dheer loosoo maray lagu gaadhi lahaa.
Xafladan ayaa kusoo dhamaatay jawi aad uwanaagsan oo farxad iyo dareen xoriyadeed xambaarsan.
ONA/Koonfur Africa
PE9
PE7
PE6
PE3
PE2
PE1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay