Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soowarama gudaha wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa ka warbixinaya dagaalo culculus oo kadhacay maalmihii lasoo dhaafay meelo kamid ah wadanka Ogadenya. Waxay dagaaladan udhexeeyaan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya. Dagaaladan ugu dambeeyay oo kadhacay Gobolka Jarar ayaa ahaa kuwo ciidanka gumaysiga lagaga laayay askar badan oo iskugu jira Wayaane & Maxaysatada Hawaarinta looyaqaano.

Waxaa maalinimadii Sabtida ahayd ooy taariikhdu kubeegnayd 22/8/2015 Gudaha Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar weerar habeenimo ah (Mir) ooy CWXO ka fuliyeen lagaga dilay ciidanka cadawga 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay. Dagaalkan oo ahaa mid xog wanaagsan oo cadawga kusaabsan ay kaheleen masuuliinta hawlgalkan fuliyay ayaa sidii loo qorsheeyay udhacay. Gumaysiga oo adeegsanaya awoodiisa ciidan ayaa wali filansho waa kutahay qaabka hawlgalkan loo fuliyay.

Wararka Ogadenya oo faah faahsan waxaad ka heli kartaan ONA haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay