Wararka naga soogaadhaya gudaha wadanka Ogadenia gaar ahaan Gobolada Qoraxay iyo Doollo ayaa sheegaya dilal ay ciidanka cadawga ah ee loo carbiyay xasuuqa dadka shacabka ah ee taliska wayaanaha ka amarqaata ay ugaysteen. Warkan oon kahellay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa sheegaya in dhibaatooyin baahsan bulshada rayadka ah lagu hayo.

Maalinimadii sabtida ahayd ooy taariikhdu ku beegnayd 22/8/2015 Dhalacad oo Qabridahare aan wax badan kafogayn waxay ciidanka cadawgu si waxshinimo leh ugu dileen Allaha unaxariistee marxuum lagu magacaabi
jiray Cabdi Maxamad Cabdi Jigre. Waxaa isla taariikhdan tuulada Garloogube oo dagmada Wardheer ee Gobolka Doollo katirsan uu ciidanka wayaanuhu ku dileen marxuum kamid ah dhibanayaasha Somalida Ogadenia oo aanaan magaciisa wali helin.

Sida caadiga ah Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaateeya shacabka masaakiinta ah ee Somalida Ogadenya markii lagaga adkaado dagaalada ay lagalaan Ciidanka JWXO. Waxay wayaanuhu ku gadoodaan shacabka aan waxba galabsanin een awooda lahayn. Waxaa dhibaatooyin badan ay shacabka kasoo gaadhaa maxaysatada Hawaarinta oo iyagu aan unaxariisanin shacabka.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay