Wararka aan kahelayno Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa tibaaxaya baabuur dhawr ah oo lagadoomay ciidamada cadawga oo si anshaxa kabaxsan uwada baabuurta iyagoo kabaxsanaya jidgooyooyin ay u dhigaan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) waxaana mid kamid ah baabuurtan ku dhintay arday ay qafaal ahaan usoosaareen baabuur ay wateen ciidanka cadawgu. 

Taariikhdu markay ahayd 21/8/2015 deegaanka lagu magacaabo Meermeertada oon kafogayn Buurta Kaaraamardha oo katirsan dagmada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan waxaa kugadoomay baabuur ay wateen ciidanka wayaanuhu waxaana kuhalaagsamay dhamaan wixii saaraa oo idil.

Maalinimadii Sabtida ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 22/8/2015 inta udhaxaysa magaalada Fiiq ee xarunta u ah Gobolka Nogob iyo tuulada Mugwayn waxaa kugadoomay baabuur kamid ahaa kuwa ay ciidanka gumaysigu adeegsadaan waxaana ku bakhtiyay ciidan aad u tirabadan oon kudaba jirro sooxaqiijinta tirada rasmiga ah ee kudhimatay shilkan. Isla taariikhdan Dagmada Dhoobawayn ee Gobolka Qoraxay waxaa ku gadoomay baabuur ay saaraayeen ciidan Hawaarin ah iyo arday ay sooqafaasheen waxaana dadkii goobta kunafwaayay kamid ahaa 2 arday oo aanaan magacyadooda helin halka 5 arday oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Shilalka baabuurta uu cadawga qaato oo siibadanaya ayaa waxaa keenay cabsida iyo kalsooni la’aanta uu gumaysigu kaqabo in CWXO ay jidgooyo udhigaan. Waxaa meelo badan oo Ogadenya kamid ah kugadoomay baabuur badan oo kamid ah kuwa ciidanka Gumaysigu adeegsado iyo kuwo shacab ah oo cadawgu uu sooqafaashay.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay