Wararka naga soogaadhaya Gobolka Shabeelle ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in xasuuq ba’an ooy ciidanka doolka iyo dalbalaadhsiga kujooga ciida xalaasha ah ee Ogadenia ugaysteen dad shacab ah. Tacadiyadan iyo isir sifayntan ay ciidanka cadawgu wadaan ooy u kuur gashay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayeey faah faahinteedu soogaadhay ONA.

Awaamir kasoo baxday wakiilada gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay xarunta gobolka Shabeele ee Goday ayaa markay taariikhdu ahayd 20/8/2015 amar kubixiyay ineey guud ahaan shacabka ku dhaqan Tuulada Ban-yare oo katirsan dagmada Iimay-Bari iyo nawaaxigeeda isugu yimaadaan tuulada Ban-yare iyagoo kasoo tagaya xoolahooda iyo danaha ay miyiga ku haystaan oo idil.

Amarkan oo ah mid aad uqalafsan ayaa u cuntami waayay dadka deegaankan kudhaqan waxayna si dhiiranaan ay kujirto gaashaanka ugu dhufteen hadalkii loosoo dhiibay gacan yareyaasha Gumaysiga iyagoo doortay ineey geeri kaxigaan in hantidooda iyo mustaqbalka ubadkooda meel cidla ah kaga soo dhaqaajiyaan. Diidmadaas shacabka kadib waxaa weerar balaadhan soo qaaday ciidanka Hawaarinta ee lagu cabiidiyo shacabka S.ogadenia waxayna shacabku go’aansadeen ineey isdifaacaan iyagoo adeegsanaya qalabka ay helikaraan oo ah Budhka, Toorida iyo Dhagaxa maadaamoo horaan hubkii looga dhigay.

Waxayna ka hortageen ciidankii Hawaarinta oo adeegsanayay hubka darandooriga udhaca waxaana goobta dhaawacyo kala duwan lagu gaadhsiiyay 27 qof oo shacab ah iyo 10 iyo dhowr Hawaarin ah. Warkan ayaa intaas kudaraya in mudo badan lacaydhsanayay ciidanka cadawga ee weerarka xaqdarada ah sooqaaday iyadoo ay shacabka ree Ban-yare sameeyeen hab naftoodhurnimo ah ayna ku difaaceen sharaftoodii iyo xoolohooda.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay