Maanta oo Arbaco ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 26/8/15 waxaa xerada Qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ka dhacay shir balaadhan ooy yeesheen gudiyada OYSU ee kadhisan Gobolka W/bari Kenya. Gudiyada OYSU ee kadhisan Garissa, Xagardheer, Ifo iyo Dhagaxlay ayaa subaxnimadii hore ee saaka kulan aad u muhim ah uga furmay guriga umada ee xerada Dhagaxlay waxaana kulanka furay isla markaana daadihinayay xoghayaha OYSU Dhagaxlay Halgame Muuse Cismaan oo ugu horaynba codsaday in mid kamid ah wufuudii uu kufuro aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah. Waxaa sitoos ah loo guda galay qodabadii shirka waxaana si ay lexjeclo kujirto looga dooday dhamaan qodobadii ay ergooyinku lasoo shir tageen waxaana qodobadii ONA lasiiyay kamid ahaa:-

1- Isku xidhka laamaha uu ururka OYSU kuleeyahay wadanka kenya iyo caalamka ba iyo abaabulka guud ahaaneed ee umada dulman ee S.ogadenia.
2- Wada shaqaynta ururada bulshada sida ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia (OYSU), ururka Culimada Ogadenia (UCO), ururka Haweenka Ogadenia (UHO) iyo Gudiga Qoxootiga Ogadenia (ORCC)
3- Abuurida ilo dhaqaale oo lagu taageero bulshada ree ogadenia ee tabaalaysan iyo hardanka ay shacabku kula jiraan gumaysiga madow ee dhulkoodii maroorsaday.
4- Kobcinta aqoonta bulshada diini iyo dunuwiba si loo helo bulsho kadhisan dhinac kastoo awood uyeelata ineey iska dulqaadaan gumaysiga madow ee kuhabsaday albaabkastana garaaci kara.
5- Udiyaar garowga doorashada urur hoosaad yada OYSU ee kadhisan bariga africa si loo helo doorasho midaysan oo isku mar dhacda oo urur hoosaad yada ah.
6- Kobcinta iyo kor uqaadida koox faneedyada ka dhisan gobolka W/bari Kenya si loohelo kooxo isku duuban oo laban laaba kaalinta ay kaga jiraan halganka.
7- Yagleelida kooxo ciyaara kubada cagta iyo ciyaaraha kale eey soomaalidu ciyaarto.

Qodobadan iyo kuwo kaloo aad ubadan ayaa shirka maanta lagaga dooday waxaana gaba gabadii qalinka lagu duugay qodobo dhaxal gal ah ooy kamid yihiin kuwan aan kor kusoo xusnay.
Guntii iyo gunaanadkii shirkan ay yeesheen gudiyada OYSU ee kadhisan Gobolka Woqooyibari Kenya oo saacado badan socday ayaa soogabagaboobay xili dambe oo galabnimadii maanta ah wuxuuna kusoo dhamaaday si nabad
ah.

ONA Dhadhaab.

dha3

dha2

dha1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay