Jaaliyada Ogadenya ee U.K iyo nawaaxigeeda ayaa qabanqaabo weyn ugu jirta siday u qaban lahayd xaflad weyn qaab casri ah loo agaasimi doono,waxaana xafladaas lagu xusi doonaa sanadguurada 31aad ee ONLF ee kasoo wareegtay aas-aaskii ururka ee 15 August 1984.

Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb gali doona qaar kamid madaxda JWXo iyo marti sharaf si khaas ah loogu casuumay xaflada oo ka socota deegaanada xaafadaha London.

Waxaa sidoo kale xaflada wacdaro ka muujin doona kooxaha fanka iyo dhaqanka ee Ogadenya oo halkaas kusoo bandhigi doona cayaaro si khaas ah loogu tumi doona xaflada xuska sanadguurada 31aad ee JWXO.

Macluumaad dheeri ah fiiri hoos

London

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay